Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»
    Dibadda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 6, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 ayaa ku dhuftay koonfurta dalka Turkiga iyo waqooyiga Suuriya subaxnimadii hore ee saaka kaasoo dumiyay dhismayaal waxaana ku dhintay ugu yaraan 568 qof. Iyadoo boqollaal qof ay ku dhaawacmeen, waxaana la filayaa in khasaaruhu uu kordho iyadoo shaqaalaha samatabbixintu ay baarayeen burburka magaalooyinka aaggaas.

    Labada dhinac ee xuduudka, dadka deegaanka ayaa hurdo la’aan ka qaaday dhulgariirka ka hor waaberiga, waxaana ay bannaanka u soo yaaceen xilli qabow, roob iyo baraf uu da’ayey, iyadoo dhismooyinka qaar ay dhulka la simeen.

    Shaqaalaha samatabbixinta iyo dadka deggan magaalooyin badan ayaa raadinaya dad badbaaday, iyaga oo ka shaqaynayay biro iyo tuulmo shub ah oo waaweyn.

    Magaalada Adana ee dalka Turkiga, qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in saddex dhismo oo ku dhowaa gurigiisa ay ku soo dumeen. “Xoog dambe ma haysto,” mid ka mid ah badbaadayaasha ayaa la maqlayay isagoo ka qaylinaya burburka hoostiisa iyadoo shaqaalaha samatabbixinta ay isku dayeen inay gaaraan, ayuu yiri qofka deegaanka ah, oo lagu magacaabo Muhammet Fatih Yavus.

    

    Dhinaca xadka Suuriya, dhulgariirku waxa uu ku burburiyay gobollo ay mucaaradku haystaan oo ay buux dhaafiyeen ilaa 4 milyan oo qof oo ka barakacay qaybaha kale ee Suuriya dagaalka sokeeye ee daba dheeraaday ee dalkaas. Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay ku nool yihiin xaalado adag. Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in isbitaallada aagga ay si degdeg ah u buuxiyeen dadka dhaawacmay.

    “Waxaan ka baqeynaa in dhimashadu ay boqollaal gaarayso,” ayuu yiri Muheeb Qaddour, oo ah dhakhtar, isagoo ku sugan magaalada Atmeh, Raed Salah oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobaha mucaaradka, ayaa sheegay in xaafado dhan ay burbureen meelaha qaar.

    Dhul-gariirkan oo laga dareemay meel aad uga fog sida magaalada Qaahira, ayaa ku dhuftay gobol ay saameeyeen dagaallo sokeeye oo Suuriya ka socday in ka badan toban sano. Malaayiin qaxooti Suuriyaan ah ayaa ku nool Turkiga. Dhulka Suuriya ee dhulgariirku saameeyay ayaa u kala qaybsan dhulka ay dawladdu haysato iyo goobtii ugu dambaysay ee ay mucaaradku haystaan, kaasoo ay ku hareeraysan yihiin ciidammada dawladda ee Ruushku taageero.

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in “Koox raadin iyo samatabbixin ay isla markiiba u direen” goobihii uu dhulgariirka ku dhuftay.

    “Waxaan rajeyneynaa inaan si wadajir ah uga gudbi doono masiibadan sida ugu dhaqsaha badan iyo dhaawaca ugu yar,” ayuu qoray.

    Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Turkiga ayaa sheegtay in ugu yaraan 284 qof ay ku dhinteen toddobo gobol oo Turkiga ah. Hay’addu waxay sheegtay in 440 qof ay ku dhaawacmeen.

    Dhimashada goobaha ay dawladdu haysato ee Suuriya ayaa kor u kacday 237 qof, iyadoo in ka badan 630 ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Suuriya. Ugu yaraan 47 qof ayaa lagu soo warramayaa iney ku dhinteen deegaannada ay mucaaradku maamulaan.

    Dhismayaal ayaa la sheegay in ay ku dumeen dhul xuduud ah oo u dhexeeya magaalooyinka Xalab iyo Hama ee Suuriya ilaa Diyarbakir ee Turkiga.

    Dalka Turkiga, dadka isku dayaya inay ka baxaan gobollada uu dhulgariirku ku dhuftay ayaa sababay ciriiriga isu socodka gaadiidka, taasoo caqabad ku noqotay dadaallada kooxaha gurmadka ah ee isku dayaya inay gaaraan deegaannada uu dhul-gariirku ka dhacay. Maamulka ayaa shacabka ugu baaqay in aysan u soo bixin wadooyinka. Masaajidada ku xeeran gobolka ayaa la furay si ay gabaad ugu noqdaan dadka aan awoodin in ay ku laabtaan guryihii burburay iyadoo ay jirto heerkul qabow oo baraf ah.

    Magaalada Diyarbakir, kooxaha samatabbixinta ayaa ku baaqay in la aamuso markii ay isku dayayeen in ay dhagaystaan dadkii ka badbaaday burburka dhismo ka kooban 11 dabaq. Shaqaalaha samatabbixinta ayaa soo saaray hal nin, iyaga oo ku qaaday bareelo

    Waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya, dhulgariirku waxa uu dhibaato hor leh ku soo kordhiyey deegaannada ay mucaaradku haystaan ee xaruntoodu tahay gobolka Idlib, kaas oo sannado badan lagu go’doomiyey, duqeymo joogto ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Russia iyo dawladda..

    Magaalada Azmarin oo ah magaalada yar ee ay gacanta ku hayaan fallaagada Suuriya ee ku taal buuraha ku teedsan xudduudda Turkiga, ayaa meydadka dhowr carruur ah oo dhintay, oo bustayaal lagu duubay, la keenay isbitaal.

    Dhinaca kale, Magaalada Dimishiq, dhismayaal ayaa gariiray, dad badan ayaana waddooyinka u soo baxay cabsi darteed. Dhul-gariirku waxa uu sariiraha kaga ruxay dadka deggan Lubnaan, isaga oo ruxay dhismayaal ku dhawaad 40 ilbiriqsi ah. Dad badan oo deggan Beirut ayaa ka tagay guryahooda oo waxay u baxeen waddooyinka.

    

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDagaalkii Laascaanood oo sii xoogeystay iyo dad ay ku jiraan Saraakiil oo lagu dilay
    Next Article (Sawirro) Boqolaal ku dhimatay dhulgariir ku dhuftay qeybo ka mid ah Turkiga & Siiriya

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Halis weyn ayaa ku soo wajahan Beledweyne

    January 16, 2023

    Mogadishu RadioHalgan Xog aan ka helnay Dadka deggan jiinka wabiga ayaa innoo sheegay inneey arkeen…

    NISA oo sharci noqotay – Afar arrin oo uu ka dhigan yahay sharciga la meel-mariyey

    February 8, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.