Muqdisho(Radiohalgan.com)- Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo maanta loo dhaariyay Kursigii uu baneeyay Taliyaha Nabad sugida ayaa yiri”Aan socodsiino Sharciga Nissa oo aan Ansixino cabsidana hala joojiyo”
Dhanka kale Dood kulul oo ka dhalatay muuqaal ay baahisay Dalsan TV
Labada xildhibaan ee kala ah; Cabdullaahi Maxamed Cali ‘Sanbaloolshe’ iyo Ilyaas Sheekh Axmed, oo maanta si rasmi ah ugu fariistay kursigii uu banneeyay taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa faalleyn (COMMENTS) isugu weeraray bogga ay Dalsan TV ku leedahay barta Facebook.