Muqdisho(Radiohalgan.com)– Nabadoon Geed-seexdo oo Radio Halgan la soo xariray ayaa yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-shabelle Yuusuf Dabageed oo ah xarig lama sitaan ayaa cid walba ay ka soo taagan tahay.
HirShabelle ninkii ugu dambeeyey ee la degaa waa DABAGEED.
Nabadoon Geed-seexdo oo hadalkiisa sii
Waxaa uu la diriray dhamaan Xildhibaannada HIIRAAN. Ka dib Waxaa uu la diraray Xildhibaannada HirShabelle. Waxaa uu la diraray odayaasha dhaqanka HIIRAAN. Waxaa uu la diriray Guddoomiyaha geesiga ah dagaal yahayanka GUDOOMIYE JEYTE. Ugu dambeyn waxay is qabteen Madaxweynaha Dowlad Hir-shabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen
Waxaa la isku dayey in dadka la heshiissiyo DABAGEED laakin ma aha DABAGEED Nin lala heshiin karo. Waxaa xitaa ka yaaban Madaxweyne XASAN SHEEKH oo isku dayey in wax badan la dhameeyo maadaama dagaal lagu jiro.
Hadda waxaa uu joogaa XAMAR wax waanwaan ah oo u hagaagayna ma jiraan. DABAGEED lama shaqeyn karo CALI JEYTE. DABAGEED lama shaqeyn karo Madaxweyne CALI GUUDLAAWE.
DABAGEED lama shaqeyn karo XASAN SHEEKH. DABAGEED lama shaqeyn karo wasiirada Reer HIIRAAN. HirShabelle Waxaa heysta nasiib darro baahsan.
WQ Nabadoon Geed-seexdo