Ciidan uu hoggaaminayo taliyaha ururka 8-aad ee Gorgor Maxamed Cali Hiloowle (Hadlaaye) ayaa goordhow la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tarashante oo qiyaastii 35-Km dhanka Koonfur Beledweyne kaga beegan.
Ciidamada Gorgor oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa u babac dhigi waayay kooxda AS oo isaga baxay deegaanka Tarashante.
Ciidanka Gorgor ee xoogga dalka ayaa howlgal isugu jira bixinta qaraxyada iyo baacsiga haraadiga kooxda AS ka wada gudaha iyo daafaha Tarashante.
Taliyaha ururka 8-aad ee Gorgor Maxamed Cali Hiloowle (Hadlaaye) oo ah sargaal kulansaday Aqoon Waayo-aragnimo hoggaaminta ciidanka iyo Taaatikada dagaalka, ayaa lagu wadaa in uu wax badan ka baddalo amniga deegaanada dhaca hareeraha wabiga Shabeelle ee Beledweyne kaga beegan dhanka Koonfur.