Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii labaad ee weeraray xarunta gobolka
    Gudaha

    Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii labaad ee weeraray xarunta gobolka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 3, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda Al-Shabaab ayaa markale toddobaad gudihiis soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir.

    Kooxda ayaa ninkaan 2-aad ee ay shaacisay inuu kamid yahay raggii fuliyay weerarkii gobolka Banaadir ku sheegtay magaciisa Nuur Maxamed Suleymaan (Cabdi-Qani).

    Cabdi-Qani ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, oo laga duubay kahor inta ay maleeshiyada weerarka kusoo qaadin xarunta ayaa wuxuu ku sheegay inuu kooxda kusoo biiray horaantii 2015-ka.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in uu kasoo jeedo beesha Gaaljecel, gaar ahaan Makaahiil Cumar Mataan.

    Wax naxariis ah oo aan idin galeyno majirto, xataa ahow kan aabaheen dhalay mar hadda safkaas gashay ku dhaafi mayno. Anaga magaalo uma dagaalano hada ku faaneysan magaalo ayaa qabsanay,” ayuu ku yiri wareysi laga qaaday ninkaan intii aysan maleeshiyada weerarka ku qaadin xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay baahisay warbaahinta kooxda.

    Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda.

    Isniintii ayay aheyd markii ay kooxda soo bandhigtay ninkii 1-aad ee kamidka ahaa raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cilmi Cumar Xasan Afrax (Yaxye).

    Yaxye ayaa sida uu sheegay kasoo jeedo beesha Daa’uud ee Abgaal, oo ah beesha uu sidoo kale ka dhashay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

    22-ka bishii hore ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.

    Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saacado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

    Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, wuxuuna weerarkaas ku soo aaday, xilli muddooyinkii dambe ay kooxda culeyska soo saartay magaalada Muqdisho kadib dagaalka culus ee kaga socda gobolada dalka.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDhageyso:- Faaqidaadda: Doorka dalalka deriska ee dagaalka Al-Shabaab
    Next Article Shan arrimood oo haddii deg deg loo dhaqan-galiyo sii burburin doona Al-Shabaab

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    DEG DEG:- dhageyso;- Saddex dal oo Soomaaliya usoo diraya ciidamo ka madax-banaan ATMIS

    March 2, 2023

    Saddexda dal ee deriska la ah Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay soo diraan ciidamo taageeraya…

    Jamie Carragher Oo Saadaaliyey Horyaalka Premier League Kaddib Guul-darrooyinkii Man City Iyo Arsenal

    February 6, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.