Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»Akhriso:- Sababta dawooyinka qaar iyo shaaha ama qaxwaha loo kala ilaaliyo
    Dibadda

    Akhriso:- Sababta dawooyinka qaar iyo shaaha ama qaxwaha loo kala ilaaliyo

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 2, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    badan oo inaga mid ah, in maalinteenna aan ku bilowno koob shaah ah ama koob qaxwe ah waa wax aynaan kaba fikirin. Hase ahaatee mararka qaar feejignaantu waa muhiim marka daawo lala cabayo wax kale.

    Daawooyinka qaarkood waxaa la qaadan karaa wakhtiyo kala duwan oo maalintii ah balse sidoo kale waxaa lagu talinayaa in aan lagu qaadan waxyaabo ay ku jiraan waxa loo yaqaan kafayn oo ah maaddo ku jirta cabitaanno badan oo shaaha iyo qaxwuhu ka mid yihiin.

    Antonio Javier Carcas Sansovan, oo ah barfasoor ku takhasusay cilmiga dawooyinka oo ka tirsan jaamacadda Madrid, ayaa laanta BBC-da ee afka Mundo u sheegay in “ay jiraan ilaa 60 dawooyin ah oo aan si taban ula falgelin kafaynta”.

    Marka aynu qaadanno daawo waxa ay soo martaa jidhkeena ka dib marka ay gaadho caloosha ama mindhicirka dhiiga waxa ay u qaybsantaa jidhka intiisa kale.

    Elena Piotra Ruiz D’Aza, oo ah barfasoore cilmiga dawooyinka ka dhigta jaamacadda Navarra, ayaa BBC Mundo u sheegtay in dawooyinku ay leeyihiin bartilmaameed daaweyneed, taasoo ka dhigan in ay bilaabaan saameyn wanaagsan marka ay gaaraan qaybo gaar ah oo jirka ka mid ah.

    Aruurinta dawada xad-dhaafka ah ee beerka

    Sidoo kale, daawooyinka qaarkood waxay isticmaalaan ‘enzymes’ iyo borotiinada sida kafeynta, si ay dheefshiidka beerka u sameeyaan. Sidaa darteed, waxaa dhacaya nooc carqaladayn ah sababtoo ah daawadani waxay ku keydsantaa jirka si xad dhaaf ah.

    Balse dawooyinka kale ee gaarka ah oo ay lagama maarmaan tahay in lagu daweeyo dadka qaba xanuunka loo yaqaan afka qalaad ‘schizophrenia’, ayaa halis noqon kara hadii ay hal meel oo jidhka ka mid ah ku aruuraan.

    “Waa daawo aan dhibaato keenayn hadii inta loogu tala galay laga isticmaalo , balse haddii ay ka sarreyso qaddarka loo qoray qofka, waxay kordhin kartaa khatarta.

    Dhibaato dheefshiid

    Waxa kale oo lagu talinayaa in daawooyinka qaarkood, sida kuwa lagu daweeyo xanuunka ‘hypothyroidism’, lagu qaato calool madhan.

    “Waa muhiim inaad ku qaadato dawadan calool madhan, adigoon wax cunin ama cabbin qaxwaha, iyo inaad sugto wakhti ka hor quraacda si daawadu si buuxda ugu gaadho heerka mindhicirka iyo habka difaaca jidhkeena,” ayey tidhi Pyotra.

    sidoo kale joogitaanka cuntada ee caloosha iyo mindhicirka waxay suurtogal u tahay inay carqaladeyso nuugista daawooyinka qaarkood ee jidhka.

    “Xitaa haddii aad qaadato qiyaasta lagu taliyey iyo haddii qayb ka mid ah dawada aanu beerku nuugin, ma yeelan doonto saameyn caafimaad.”

    Daawooyinka kale qaarkood, xeerka ayaa ah in aan waxba la qiyaasin ee la cabiro. Qaar ka mid ah dawooyinka ka hortagga bararka waxay dhibaato u keeni karaan xuubka caloosha.

    Sababtan awgeed waxaa mararka qaarkood lagu taliyaa in lagu qaato cunto si loo yareeyo waxyeelada daawada ee caloosha.

    Caanaha Qaxwaha

    “Yaanay ku sirin caanaha badan ee qaxwaha lagu daro” ayey tiri Pyotra.

    Waa muhiim in daawooyinka loo qaato sida saxda ah ee ay qoraan xirfadlayaasha caafimaadku

    Qaadashada daawooyinka qaarkood ee caanaha ma samaynayso farqi, laakiin qaar ka mid ah antibiyootiga ayaa lumin kara waxtarkooda.

    Haddii aad qaadato dawooyinka saameeya habka dhexe ee neerfayaasha, sida dawooyinka loo isticmaalo walwalka, waa muhiim inaad raacdo tilmaamaha dhakhtarka, Piotra ayaa leh, sababtoo ah kafeynta lafteedu waa waxa ugu weyn ee kiciya nidaamka neerfaha.

    ‘Iska ilow nooca aad cabitaanka iyo cuntada ugu sameysato guriga. Haddii ay daawadu tahay noo budo ah oo loogu tala galay in biyo lagu qaso, sidaas u samee, ha ku dhex darin sharaab kale ama dareere kale sababtoo ah kuwani waxay si buuxda u beddelaan saamaynta daawada.

    Waxay kaloo sheegeen inay jiraan dawooyin badan oo aanay dhibaato ku ahayn qaadashada qaxwuhu.

    “Waa inaad xaalad kasta u eegtaa si gaar ah, habka ugu fiican ee aad ku hubin kartaana waa inaad waydiiso farmashiistahaaga ama dhakhtarkaaga,” ayuu yidhi Karkaska.

    “Guud ahaan way wanaagsan tahay in la cabbo qaxwe aan xad dhaaf ahayn.”

    BBC-DA

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleKu dhawaad 4 saac oo la baarayey guriga madaxweynaha Maraykanka maxaa laga helay?
    Next Article Mareykanka oo ka carooday go’aan ka soo baxay Hogaanka dowlada Sudan

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    DEG DEG Dadkii fududeeyay Qaraxyadii ka dhacay Degmada Maxaas oo gacanta lagu soo dhigay.

    January 8, 2023

    Ciidamada ammaanka maamulka Hirshabelle ayaa gacanta ku dhigay dad lagu tuhmayo in ay ku lug…

    Hanti dhawraha Guud ee Qaranka oo iska casilay xil uu horey u hayay (Akhriso)

    February 13, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.