Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»DEG DEG Ilhaan Cumar oo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda ee Congresska Mareykanka
    Dibadda

    DEG DEG Ilhaan Cumar oo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda ee Congresska Mareykanka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 2, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.
    Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, kuwaas oo lagu eedeeyey hadallo rabshad hurin ah.
    Afhayeenka Aqalka Hoose Kevin McCarthy ayaa ku guuleystay inuu mideeyo Jamhuuriga si guddiga laga saaro Ilhaan oo asal ahaan Soomaali ah kadib markii xubnaha qaarkood ay ka muujiyeen shaki.
    In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa aheyd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog.
    Codeynta maanta oo aheyd 218-211 oo labada dhinac ay kala mareen safafkooda ayaa timid kadib dood dheer oo Dimoqraadiga ay ku eedeeyeen Jamhuuriga inay Ilhaan ku beegsanayaan isirkeeda darteed.
    Ilhaan ayaa iska difaacday Aqalka, ayada oo weydiisay haddii ay jirto cid la yaabtay in la beegsaday, “sababtoo ah marka aad awoodda riixdo, awoodda dib ayuu kusoo riixdaa.”
    “Codkeyga wuxuu noqon doonaa mid intan kasii dheer kana sii xoog badan, islamarkaana hoggaankeyga waxaa u dabaal-degi doona dunida oo dhan,” ayey Ilhaan kusoo xirtay khudbaddeeda.
    Jamhuuriga ayaa diiradda saaray lix hadal oo Ilhaan ay horey u tiri “kuwaas oo xaaladaha caadiga ah u diidaya inay ka mid noqoto guddiga arrimaha dibedda,” waxaa sidaas jiri xildhibaan Michael Guest oo ah Jamhuuri laga soo doortay Mississippi.
    Hoggaamiyaha Dimoqraadiga Hakeem Jeffries oo laga soo doorto New York ayaa sheegay in Ilhaan ay mararka qaar “sameysay khaladaad” ayna adeegsatay hadallo Yahuud naceyb ah oo la cambaareeyey afar sano ka hor. Balse taasi ma ahan waxa codeynta maanta ay ku saabsaneyd, ayuu yiri.
    “Ma ahan isla xisaabtan, waa aargudasho siyaasadeed,” ayuu yiri Jeffries.
    Xildhibaan Alexandria Ocasio-Cortez ayaa tallaabo dheeri ah qaaday, ayada oo sheegtay in tallaabada Jamhuuriga ay tahay mid ka mid ah “waxyaabaha laga yaqsiyoodo ee laga dhaxlay 9/11,” ayada oo ula jeeda weeraradii September 11 2011 – “beegsiga iyo cunsuriyeynta ka dhanka Muslimiinta Mareykanka ee dalka Mareykanka oo idil. Tani waa mid ka mid ah dhaxalkaas.”
    Waxay intaas ku dartay “Tani waa beegsiga haweenka midabka.” Ilhaan ayaa ah mid ka mid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Congress-ka.
    AP/VOA
    –
    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous Article(Akhriso) Madaxweyne Deni oo ka farxiyey Maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland
    Next Article Isimada ku shirsan Laascaanood oo ka hor yimid dhexdhexaadinta Madaxweynaha Jabuuti

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Maxay ka dhigan tahay in Al-shabaab ay lumisay Xarardheere? (Akhriso shan qodob)

    January 17, 2023

    Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somalia C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa qoraal dheer ka soo saaray waxa…

    DEG-DEG:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ayaa Xika ka qaday Gudoomiye kuxigeenkii Amniga iyo siyaasada Degmada maxaas ee Gobolka Hiiraan

    January 7, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.