Sida ay Mareykanka uga go’an tahay in militerigiisu ay diyaar u yihiin wax walba oo ku saabsan badda Pacific waxaa hoosta looga xariiqay shir ka dhacay Aqalka Cad oo ay yeesheen madaxda Mareykanka iyo Japan. Balse dhanka kale, diiraddan lasoo cusbooneysiiyay ee la xiriirta Aasiya waxa ay abuurtay dood culus oo ka dhex jirta mid ka mid ah hay’adaha militeriga ee ugu waaweyn Mareykanka, sida uu qoray Jonathan Marcus oo falanqeeya arrimaha difaaca.
Muran qoys oo aad u ba’an ayaa ka dhex qarxay mid ka mid ah hay’adaha la xurmeeyo ee ciidamada Mareykanka oo lagu magacaabo Marine Corps.
Tiro badan oo ka mid ah taliyayaasha sare ciidankan ayaa saf ugu jira sidii ay u weerari lahaayeen hoggaanka hadda jira iyagoo kasoo horjeeda qorshe hadda socda oo lagu doonayo in dib u habeyn loogu sameeyo ciidankaas.
Qorshahan ayaa ku saabsan sidii loogu diyaar garoobi lahaa dagaal dhex mara Mareykanka iyo Shiinaha. Waxaa mashruucan lagu magacaabay Force Design 2030 (oo micnaheedu yahay qaabeynta ciidanka 2030).
Isla markii uu billowday qorshahan waxaa durbadiiba kasoo horjeestay qaar ka mid ah janaraalladii howl-gabka noqday ee horay u soo maray ciidankan kuwaas oo ku weeraray saxaafadda si ay u muujiyaan niyad jabkooda.
Saraakiishii hore ayaa sameynayay kulamo joogto ah iyo siminaarro ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan qorshaha wax looga baddalayo qaab dhismeed ciidanka mariiniska, kaas oo ay u arkeen musiibo ku soo wajahan ciidanka Mareykanka
Dadka dhaleeceeyay ee caanka ah waxaa ka mid ah Xoghayihii hore ee Ciidamada Mariiniska Mareykanka iyo Senator-kii hore ee Virginia, Jim Webb, oo sarkaal sare ka ahaa dagaalkii Vietnam, 2015-kiina u tartamay magacaabista murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraaddiga.
Maqaal uu ku qoray Majalladda Wall Street ayu uku cambaareeyay qorshaha dib u naqshadeynta ciidanka ee 2030-ka waxa uuna ku tilmaamay inuu yahay “mid aan laga fiirsan”.
Waxa uu ka digay in qorshuhu “uu kiciyo su’aalo dhab ah oo ku saabsan xikmadda iyo khatarta mustaqbalka fog ee hoos u dhaca weyn ee qaab dhismeedka ciidanka, hababka hubka iyo heerarka cudud ee unugyada, kuwaas oo ay dhaawacyo waaweyn soo gaari doonaan xilliyada dagaalka”.
Haddaba maxaa ka careysiiyay dhamaantood?
Qorshaha wax-ka-baddalka naqshadda ciidanka Mariiniska Mareykanka oo sanadkii 2020 uu billaabay Taliyaha ciidankan, Janaraal David H Berger ayaa loogu talo galay in loogu diyaar garoobo isku dhac suurtagal ah oo Mareykanku iyo Shiinaha ku dhex mara aagga badda Pacific. Ujeeddada ayaa ah in dagaalkaas uu ka duwanaado kuwii la dagaallanka argagixisada ee uu Mareykanku ku galay Ciraaq iyo Afghanistan.
Qorshaha cusub ayaa lagu doonayaa in Ciidanka Mariiniska Mareykanka ay ku dagaallamaan Jasiirado silsilad ah. Unugyadu way yaraan doonaan, waxaana lagu fidin doonaa dhul ballaaran, laakiin waxay geysan doonaan dharbaaxo aad u weyn iyada oo la adeegsan doono qalab iyo hub kala duwan.
Adeegsiga hub aad u culus oo lagu sii daayo goob, sida Dagaalkii Labaad ee Adduunka ama in ciidamo badan oo dhulka ah la diro, sidii dhacday xilliyadii dagaallada Ciraaq iyo Afghanistan, waxay noqon doonaan xeelado laga soo gudbay.
Balse qodobka ugu weyn ee ay saraakiisha rug caddaayada ah jecleysan waayeen ayaa ah in la yareeyo tirada ciidanka lugta iyo in laga maarmo taangiyada.
Fikirka noocan ah ayey taliyeyaasha howl-gabka ah u arkaan mid waxba kama jiraan kasoo qaadaya dadaalladii hore ee ay sameeyeen ciidankan iyo taariikhdooda.
Inkastoo Ciidanka Mariinisku ay xiriir dhow la leeyihiin Ciidamada Badda ee Mareykanka haddana waa qeyb gaar ah oo si lama filaan ah usoo xoogeysatay laga soo billaabo xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, doorkooduna waxa uu si weyn usoo muuqday markii ay galeen dagaalladii Afghanistan iyo Ciraaq.
Aragtida dadweynaha ee Ciidanka Mariniska waxaa si xoog leh u saameeya khibradii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
BBC SOMALI