Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»Muxuu yahay tartanka Mo Farah uu wadnaha farta ugu hayo?
    Dibadda

    Muxuu yahay tartanka Mo Farah uu wadnaha farta ugu hayo?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 31, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mo Farah ayaa isu diyaarinaya inuu si “qiira leh” u “macsalaameeyo” orodka dheer ee London Marathon, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaashiisa kaddib markii uu xaqiijiyay inuu ka qeybqaadan doono tartankaasi.

    Orodyahanka 39-ka ah ee afarta jeer hore ugu guulaystay orodka Olimbikada, ayaa la filayaa in 2023 uu noqon doono sannadkii ugu dambeeyay ee uu ordo kahor inta uusan tartammada ka fariisan.

    Hasayeeshee ma uu hubo in orodkan dheer uu noqon doono midkii ugu dambeeyay ee uu tartan adag uga qeybgala, isagoo sheegay inuu “halkii marba ka qeybgeli doono hal tartan”.

    “Ma filaayo in aan taageero la’aan ku guulaysan lahaa guulaha aan gaaray,” ayuu yiri Farah.

    Waa ay wanaagsan tahay in aad dadka macsalaamaysid, waxaanan filayaa inay noqon doonto mid qiiro leh.”

    Mo Farah ayey aheyd inuu ordo 2022 hasayeeshee tartankii waxa uu uga haray dhawaac awadii.

    Tartanka orodka dheer ee London Marathon ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo waqtigii gu’ga ee la qaban jiray kahor xanuunkii safmarka ahaa, iyadoo ay noqonayso markii ugu horraysay oo tartan la qabanayo muddo saddex sanadood ah waxaana si toos ah loogaga tebin doonaa BBC TV, iPlayer iyo online-ka.

    ‘Waxaan doonayaa inaan bal har mar oo kale ordo’ – Farah.

    Mo Farah oo bisha Maarso noqon doona 40 jir, ayaa dhaawac ka soo gaaray sinta waxa uu ka hor istaagay inuu ka qeybqaato tartankii la qabtay sannadkii la soo dhaafay, midkanna waxa uu noqonayaa marathon-kii ugu horreeyay tan iyo 2019, markaas oo uu galay kaalinta shanaad.

    Farah oo haysta rikoorka orodka marathon-ka Britain ayaa lagu wadaa inuu markiisii afraad ka qeybgalo London Marathon, 2018 ayey aheyd markii uu kaalinta saddexaad galay – isla sannadkaas oo uu ku guulaystay tartankii Chicago, kaas oo ah guusha kaliya ee orod dheer ee marathon ah ee uu haysto.

    “Xirfad aad u wanaagsan ayey ii aheyd, inaan ka qeybqaato London Marathon-na waa wax aad iigu wayn,” ayuu Farah yiri.

    “Marwalba waxaan dhahaa waa ay wanaagsanaan laheyd inaan maalin uun ku guulaysto tartankan, laakiin waa in howl adag laga maro.”

    Orodyahankan lixda jeer ku guulaystay tartanka World Track Champion, sidoo kalana ku guulaystay tartanka Big Half London ee bishii Sipteembar, ayaa tan iyo bishii Oktoobar 2019 waxa uu orday todoba jeer oo keliya.

    Walow uu ku guulaydarraystay inuu u soo baxo ciyaarihii Olimbikada Tokyo – si layaab lehna uu kaga guulaystay ciyaaryahanka u orda kooxda ee Ellis Cross ee tartankii London ee 10,000 ee bishii May – haddana waxa uu la dhacsanyahay in dalkiisa uu u ordo inay weli dhiirrigeliso.

    “Aad baan ugu faraxsanahay guulaha aan gaaray, waxaanse doonayaa inaan bal markale istijaabiyo oo aan eego waxa aan samayn karo. Hasayeeshee ma jirto cid aan isu muujinayo,” Farah ayaa sidaas ku daray.

    “Olimbikada ma aadi doono waxaanan filayaa in 2023 uu noqon doono sannadkii ugu dambeeyay.

    “Sidaasoo ay tahayna haddii waqtiga dhammaadka sanadka la gaaro oo waddankeyga uu ii baahdo marna ma diidi doono.”

    BBC SOMALI

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMadaxweyne ku guuldarraystay in dib loo soo doorto oo Visa ka dalbaday Mareykanka
    Next Article Saddexda magac ee sida weyn u qabsaday suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo maanta xirmaya

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Dhulgariir saaka ka dhacay Magaalada Al-duqam ee dalka Saldanada Cumaan

    February 19, 2023

    Magaaladda Alduqam  ee dalka Saldanada Cummaan waxaa saaka ka dhacay Dhul-gariir halbeegiisu ahaa 4.1 Richter…

    Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-Shabeelle Yusuf Axmed dhawaan ka dhicin Doono Tareenkka DG Hir-Shabeelle

    March 24, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.