Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»(Akhriso) Qaladaad u baahan in laga saxo Siyaasadda Federaalka Soomaaliya
    Gudaha

    (Akhriso) Qaladaad u baahan in laga saxo Siyaasadda Federaalka Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 31, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada ay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Federaalka -qaar- maba ay garanayaan waxa shucuubtoodu ay u dooratay. Waxa ay shaqo ka dhigteen in ay la hardamaan dawladda federaalka.

    Waxa ay illowsan yihiin in aanay shaqo ku lahayn arrimaha federaalka, balse iyaga loo doortay inay si caddaalad ah ku maamulaan kana taliyaan horumarka shucuubta degta deegaannada ay maamulaan.

    Arrimaha khuseeya xuquuqda deegaan walba uga maqan dawladda federaalka waxa u xil saaran xildhibaannada labada aqal ee federaalka ee laga soo doorto deegaan kasta.

    Haddii madaxweynaha dowlad-goboleedku uu dhaliilsan yahay qaabka maamulka madaxda dowladda federaalka, waxa uu u adeegsan karaa xubnaha baarlamaanka uga jira dowlad-goboleedkaas oo mooshin abaabuli kara ama cadaadis ku saari kara golaha fulinta federaalku in uu dowlad-goboleedkaas xuquuqdiisii meel saaro.

    Xildhibaannada heer federaal ee dowlad-goboleed kasta qaar shacabka ayaa soo doorta (aqalka hoose), qaarna dowlad-goboleedka ayaa soo xula (aqalka sare). Taas oo jirta, misana madaxweynaha dowlad-gobokeedku xildhibaannadaas uma uu aqoonsana in ay yihiin cidda loo igmaday inay difaacdo danaha shacabka iyo xukuumadda dowlad-goboleedkaasi ay ku dhex leeyihiin dowladda federaalka oo isaga ayaa inta uu iyagii hawlgab ka dhigo, shaqadoodii u gacan dhaafaya.

    Waxyaabaha ay dowlad-goboleedyada qaar ku eedeeyaan dowladda federaalka iyaga laftooda ayaa ku dhaqma. Tusaale ahaan kolka qof jago federaalka ah haaya inta jagada laga qaado qof kale loo dhiibayo, waxa ay doonayaan qof ay iyagu wataan in la magacaabo ama ugu yaraan laga talo geliyo. Hase yeeshee iyagu cidda ay doonaan goorta ay doonaan bay beddelaan, cid ay kala tashadaanna ma jirto, dastuur dowlad-goboleed iyo dhaqan midna ma ilaaliyaan.

    Madaxda dowlad-goboleedyadu waxa ay doonayaan dowlad federaal ah oo ay la xisaabtamaan iyaduse aan la xisaantami karin. Waxa ay doonayaan xuquuqda ay dowladda federaalka ku leeyihiin 100% oo lagu daray xoogaa sad bursi ah, haddii iyaga “maxaad haysaan” la yiraahdana, dagaal bay ka xigaan.

    Dowlad-goboleedyada qaar iyaga oo shacabkooda xasuuqaya, dowladdii federaalka ahayd oo dalka dhan mas’uulka ka ahayd juuq uma dhihi karto. Wafdi xitaa uma diri karto xaqiiqa raadin ah oo “dhulkeenna ma imaan kartiin ayaa la leeyahay” oo airport ayaa laga celinayaa, xuduuddana waa laga xiranayaa.

    Marmarka qaar waxan la yaabaa, madaxweyne dowlad-goboleed baa doonaya in sarkaal uu isagu wataa uu taliyaha ciidamada federaalka noqdo. Ogoow ciidanka la doonayo in uu maamulo oo soddon kun ka badan, hal askari oo dowlad-goboleedkaas ka socdaa kuma jiro! Madaxweynaha sidaas ku doodayaa hore ayuu u diiday in ciidanka dowlad-gobokeedkiisa ciidanka federaalka lagu daro oo lagu dhafo. Ciidankiisa iyo saraakiishiisu waa u gooni oo dhulka dowlad-goboleedka meel aan ahayn ma difaacaan kamana dagaal galaan, haddana waxa uu u dagaallamayaa in sarkaal ciidankiisa gaarka ah kamid ah oo uu isagu garaaddaha siiyay uu taliyaha ciidanka federaalka noqdo!

    Federaalka Soomaaliya wax badan baa ka khaldan, inta sidan loo dhaqmayana wax badan nabad, horumar iyo barwaaqo waa la sugi.

    W/Q  Sabriye Musse

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleVilla Somalia oo shaacisay 4 qodob oo shirka berri looga hadlayo iyo madaxda imaaneysa
    Next Article Wasiirka Waxbrashada Dowladda Hir-shabelle Dr Maxamed Dheere oo shaqadii ka joojiyay Gudoomiyahii waxbrashada Degmada baladweyne Mustaf Maxamud Cismaan.

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Dad ku dhaawacmay dagaalka Magaalada Laas-Caanood oo la keenay Muqdisho

    March 21, 2023

    Hay’adda Maareynta musiibooyinka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho keentay 17 Ruux oo…

    Ilmo labo bilood jira oo Shan maalin Kaddib isaga oo nool burbur laga soo hoos saaray

    February 11, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.