Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»YAA DAYACAY DHAAWACA MACAWISLEYDA IYO ASKARTA REER HIIRAAN?
    Gudaha

    YAA DAYACAY DHAAWACA MACAWISLEYDA IYO ASKARTA REER HIIRAAN?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 29, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis Dr Abdirahman Xuseen Adow ayaa yiri Waxa jira dad ku soo dhaawacmay qaraxyo iyo dagaal toos ah meelo kala duwan Gobolka Hiiraan, Sh. Dhexe iyo Galgaduud. Dhaawaca ayaa iskugu jira Macawisley iyo askarta dowladda.

    Dadka ayaa qaba dhaawacayo kaladuwan kuwa naafo noqday iyo kuwo indhobeelay.

    Dhaawaca ayaa jiifa Isbitaalo kala duwan ayaga oo qaarkood dalka waxba looga qaban karin sida ay sheegeen dhaqaatiirta.

    Waxa kale oo jira in Isbitaalada ay u heystaan lacago rahan ah inta ay jiifeen Isbitaalada.

    YAA KEENAY DHAAWACA ISBITAALADA?

    Dhaawaca Isbitaalda waxa keenay dowlada oo u dirtay diyaarado, kadibna ma jirto cid xaalkooda hoose lasocotay oo ah dowladda ama Maamulka HirShabeelle.

    Dad kala duwan oo u badan qaraabo oo Isbitaalada ku booqday dhaawaca ayaa ka soo sheegay in ay heysato darxumo iyo rajo xumo oo ah in aysan heysan ama helin daryeelkii ay mudnaayeen amaba aysan jirin cid ka warqabta ama u maqan.

    YAA DAYACAY DHAAWACA?

    Waxa jira masuuliyad wadareed oo ah DF. Maamulka HirShabeelle. Xildhibaanada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Sanaterada oo habayaraatee aysan jirin qolo roolkoodu muuqdo.

    MAXAA KA DHALAN KARA DAYACA DHAAWACA:

    Sida cad kacdoonkii ka bilaawday Gobolka Hiiraan, go’aankii Mudane Madaxweyne XSM oo dalka oo dhan ku faafay, lagana gaaray guulo waaweyn ayaa u muuqda mid la gacan bidxeynayo ayida oo loogutalagalay ama in masuuliyad layska saarin. Xaalkan ayaa sabab u noqon kara in Ciidanka Macawisleyda iyo askarta ay tusaale u noqdaan dhaawaca lagu dayacay isbitaalada oo aan helin daryeel caafimaad iyo midka qoyskooda.

    Arrinkan ayaa xagal daacin kara halganka Khawaariijta dalka looga xoreynayo iyo dadaalka Madaxweyne Mudane XSM, waayo waa sawir aad u fool xun oo laga dheehan karro masuuliyiinta kala duwan in keliya daneynayaan qof caafimaadqaba.

    Dowladnimada waxa lagu qeymeeyo oo ugu horeysa waxa weeye sida ula dhaqmaan Bukaanka iyo Maxaabiista.

    BAAQ DEG DEG AH:

    Waxa loogu baaqayaa Xukuumada Federaalka, gaar ahaan Wasraadda caafimaadka, Amniga iyo Gaashaandhiga, Madaxda HirShabeelle, Xildhibaanada heer federaal sanaterada in si deg deg ah wax looga qabto xaalka Dhaawaca Isbitaalada Muqdisho.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleGuddiga la socodka dib u eegista & hirgelinta Dastuurka oo kulan la yeeshay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka
    Next Article Dowladda Mareykanka oo sheegtay in Ciidamada Eritrea aysan weli ka bixin Gobolka Tigray

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Ciidanka NISA oo dhalinyaro Ciyaal weero ah ka qabqabtay Muqdisho (Sawirro)

    February 27, 2023

    Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Duufaan  iyo Ciidamada Booliiska ayaa xalay holwgallo…

    Isimida SSC oo go’aan kasoo saaray wada-hadallada S/L kadib arrin maanta dhacday

    February 19, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.