Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Akhriso:- Gabadh ay qoyskeeda nolosha ku gubeen ka dib markii ay sheegeen inay ceeb u soo jiidday
    Gudaha

    Akhriso:- Gabadh ay qoyskeeda nolosha ku gubeen ka dib markii ay sheegeen inay ceeb u soo jiidday

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 29, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhacdo dil ah ayaa ka soo shaac baxday magaalada Nanded ee dalka Hindiya. Gabar 23 jir ah oo ka timid tuulada Pimpri Mahipal ee Nanded ayaa la dilay.

    Gabadha dhinmatay magaceeda waxaa la yiraahdaa Shubhangi Jogdand. Waxa ay xidhiidh jacayl la yeelatay nin ka mid ah dhalinyaro tuulada waxaana tallaabadaas ka soo horjeestay qoyskeeda. Kadib qoyska ayaa dilay Shubhangi oo ay gubay meydkeeda.

    Shubhangi, 23, waxa ay ahayd ardayad sannadka saddexaad oo dhiganaysay Machadka Ayurvedic ee Nanded. Waxa ay xiriir la yeelatay wiil dhalinyaro ah oo tuuladooda deggan laakiin reerkooda ma aqbalin.

    Sidaa darteed, qoyska Shubhangi ayaa guurkeeda dhinaca kale qorsheey saddex bilood ka hor. Maalmo ka bacdi guurkii ay qorsheeyeen waa uu socon waayay waana lagu kala tagay sababo jira awgood. Tani waxay ka caraysiisay qoyska Shubhangi.

    Habeennimadii Axadda ee aynu soo dhaafnay ayaa xubno qoyskeeda ah ay dileen oo meydkeeda ku gubeen beerta dhexdeeda, sababta oo ah sheekada gabadha ayaa tuulada qabsatay waxayna dareemeen ceeb. Dambaskeedii ayaa la raaciyay tog Meesha marayay.

    Waxaa jirtay dood ka dhacday tuulada Mahipal Pimpri oo ku saabsan maqnaanshaha Shubhangi saddex maalmood oo aysan la joogin qaraabadeeda.

    Qaar ka mid ah muwaadiniinta tuulada ayaa Khamiistii, oo ku beegnayd Janaayo 26-kii ku wargeliyay Saldhigga Booliska Limbgaon.

    Markii ay si qarsoodi ah u baareen, waxaa soo baxday in waalidiinta Shubhangi ay dileen gabadhooda  iyagoo gacan ka helaya adeerkeed, iyo labadiisa wiil.

    Booliska magaalada Limbgaon ayaa gacanta ku dhigay labada eedeysane ee dilka lagu eedeeyay. Thanedar Chandrakant Pawar oo ah taliyaha Saldhigga Booliska Limbgaon ayaa sheegay in dilkan ay ku lug leeyihiin shan eedeysane, islamarkaana baadigoobka saddexda kale uu socdo.

    “Intii ay boolisku su’aalaha weydiinayeen waxay qoykeeda qirteen in gabadha ay xiriir la sameysay nin dhallinyaro ah, taasina ay sababtay in guurkeeda uu burburo, oo sumcad-darro usoo jiidday qoyska, markaas ayey ceejiyeen oo ay dileen, kaddibna way gubeen oo dambaskeeda ayay raaciyeen webiga, qoyska gabadha ayaa sidaas qirtay.”

    “Booliska ayaa arkay meelaha dambaska laga helay. Haraageeda qaar ayaa sidoo kale laga helay wabiga. Waxaa loo diray sheeybaarka si loo baaro hidda sidaha. Baaritaan dheeraad ah ayaa socda,” ayuu yiri taliyaha.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWasiir si adag u naqdiyay Hadalkii kasoo yeeray Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere
    Next Article Sida Turkiga iyo Pakistan ay uga falceliyeen siyaasiga kitaabka Qur’aanka ku gubay misaajid hortii

    Related Posts

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Daawo:- Muqaal Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay go’aan la xiriira doorashada soo socota

    March 21, 2023

    Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad xasaasi ah…

    Daawo:- Muqaal Xaaji Dhagaxoow” Rajadeeyna waa in Baladweyne Biyo Baxo Dambo aan looga Barakicin.”

    March 8, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.