Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-Shabeelle Yusuf Axmed dhawaan ka dhicin Doono Tareenkka DG Hir-Shabeelle

    March 24, 2023

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»Turkiga oo u yeeray danjiraha Denmark, ka dib markii la gubay kitaabka Qur’aanka ah
    Dibadda

    Turkiga oo u yeeray danjiraha Denmark, ka dib markii la gubay kitaabka Qur’aanka ah

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Turkiga oo u yeeray danjiraha Denmark, ka dib markii la gubay kitaabka Qur’aanka ah

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Turkiga ayaa u yeertan danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya, iyada oo ku eedaysay Denmark inay taageertay “dembi nacayb ah”, ka dib markii nin caan ku ah nacaybka Islaamku uu Jimcihii gubay laba nuqul oo ka mida kitaabka baraysan ee Quraanka Kariimka ah, xilli uu mudaharaad ka dhigayey caasimadda dalkaas ee Copenhegan.

     

     

     

    Rasmus Paludan oo u dhaqdhaqaaqa aragtida midigta fog, haystana dhalashooyinka Denmark iyo Sweden, ayaa hore u qaaday tallaabo ka caraysiisay dalka Turkiga iyo dunida Islaamkaba, ka dib markii uu gubay nuqul ka mida kitaabka Quraanka ah, intii uu socday mudaharaad ka dhacay dalka Sweden bishan January 21-keedii.

     

     

     

     

     

    Jimcihii isaga oo ku sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tallaabadan sii wadi doono Jimce kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO.

     

     

     

    Dalalka Sweden iyo Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaanbuurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay tahay inay ansixiyaan dhammaan xubnaha isbahaysiga NATO, balse dalka Turkiga ayaa muujiyey inuu hor istaagi doono, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kurdiyiinta ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada.

     

     

     

    Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha debedda ee Turkigu ay u yeertay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiinta dalka Turkigu ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya dembi nacayb ah.

     

     

     

    Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

     

     

     

    Wasiirka arrimaha debedda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin “xiriirka wanaagsan” ee Denmark iyo Turkiga, isagoo intaas ku daray in Copenhegan ay damacsan tahay inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMarkii Hooyadiisa la furay ayuu dilay Xaaska labaad ee Aabihiisa iyo Walaashiisa
    Next Article DEG DEG Macawisleey-da Eji oo dishay 21 Al-shabaab ah

    Related Posts

    Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-Shabeelle Yusuf Axmed dhawaan ka dhicin Doono Tareenkka DG Hir-Shabeelle

    March 24, 2023

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Wararkii ugu dambeeyay Xubno ka tirsan AS ayaa dad shacab ah ka qafaashay deegaanka Camaloow oo dhaca Koonfurta Beledweyne.

    January 27, 2023

    Dadka shacabka ah ee AS qafaalatay ayaa isugu jiray beeraleey iyo xoolo dhaqato, kuwaas oo…

    Macallimu oo ‘arrin fajaciso ah kusoo arkay’ mid kamid ah saldhigyada MUQDISHO

    March 11, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-Shabeelle Yusuf Axmed dhawaan ka dhicin Doono Tareenkka DG Hir-Shabeelle

    March 24, 2023

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.