Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Afhayeenka Al-Shabaab oo u hanjabay Bankiyada dalka ka howlgala
    Gudaha

    Afhayeenka Al-Shabaab oo u hanjabay Bankiyada dalka ka howlgala

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa si kulul uga hadlay sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman oo uu dhawaan ansixiyay Golaha Shacabka ee baarlamanka Somalia, wuxuuna sharcigaas ku tilmaamay inuu yahay mid la damacsan yahay in la boobo hantida dadka Soomaaliyeed.

    Waxaa uu xusay in sharcigan ay wado DF oo Mareykanka gadaal ka riixayo looga dan leeyahay beegsiga shirkadaha ganacsiga iyo sidii xalaaleysan lahaa boobka hantida shacabka.

    “Arrinan waa qorshe uu Mareykanku ka soo shaqeeyay, una diyaarsaday shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa, xeer ku sheeganna waa midkii uu u adeegsan lahaa si uu hantidaas u xalaaleysto,” ayuu yiri Cali Dheere.

    Cali Dheere oo fariin cod ah soo dhigay baraha ku hadla codka Al-shabaab ayaa ku eedeeyey Mareykanka inuu 20 sano ka xayiray hantidii shacabka Soomaaliyeed, haatana uu damacsan yahay taasoo kale.

    “Mareykanku hanti ummada Soomaaliyeed leedahay ayuu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonaya inay argagixiso leedahay. Xilligaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay khalad ahaayeen, ilaa iyo maanta hantidas dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahan yihiin, gaaladii ayaana haysata.” ayuu yiri Cali Dheere

    Waxaa uu hanjabaad culus u diray bankiyada Soomaalida oo uu uga digay inay xogta macaamiishooda la wadaagaan wax uu ugu yeeray cadowga islaamka.

    “Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leennahay, cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad gaalada u dhiibtaan, adinkoo ku andacoonaya xeerar caalami ah iyo wax aan Ilaahay oggoleyn” ayuu yiri afhayeenka oo xusay iney isha ku hayaan bangiyo uu sheegay iney yihiin ajaanib raba inay yimaadaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo uu xusay in ey talaabo adag ka qaadi doonaan.

    Dowlada Somalia ayaa dhowaan sheegtay iney xanibtay in kaa badan 250 akoon oo Al-shabaab ay ku laheyd bankiyada dalka, kuwaasoo Al-shabaab loogu shubi jiray malaayiin dollar oo ay ka qaadaan ganacsatada

    Dadka falanqeeya arrimaha Al-shabaab ayaa hadalka Cali dheere ku sifeeyey mid muujinaya sida kooxdu ay u taabatay xanibaada dhaqaale ee ay dowladu ku soo rogtay, ayna ugu baahi qabto malaayiinta doolar ee ka xaniban.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleXeer llaaliyaha qaranka oo Muqdisho kula kulmay madaxa EuGap Ee Soomaaliya
    Next Article Shirweyne go’aan looga gaarayo arrinta SSC oo ka furmay Laascaanood + Sawirro

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidan cusub tababar ugu soo xiray Uganda

    March 18, 2023

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo…

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY KU XIGEENKA XOGHAYA DIFAACA TALYAANIGA.

    February 2, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.