Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Afar arrimood oo waaweyn oo laga faa’iiday shirkii culimada
    Gudaha

    Afar arrimood oo waaweyn oo laga faa’iiday shirkii culimada

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan kusoo idlaaday shirweynihii Culimada Soomaaliyeed, waayahan shir noociisa ah ma aanay arag Soomaalidu.

     

     

    Culimada firqooyinka oo sanado badan saxafada iyo kulan diimeedyada isku xukminaayay, si weyna isku diidana ayay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay isku keento.

     

    Waxaa la isku keenay xilli lagu jiro marxalad xasasi ah oo ay Al-Shabaab magac diimeed ku laynayso dad muslimiin ah oo cibaado iyo ganacsi ku jira.

     

    Sidoo kale dhaqankii Soomaalida ee Diinta Islaamka raacsan ayaa u muuqda in Teknoolijayada casriga ah ay u xoog sheegatay.

     

     

     

     

     

     

    Wuxuu shirweynaha culimada uu qabsoomay xilli aad muhiim ugu ah dadka Soomaalida oo baahi badan loo qabo in xaqa la cadeeyo.

     

    Haddaba, Sheekadan waxaa kusoo koobeyna dhowr arrimood oo laga faa’iiday shirkii culimada.

     

    1. Midnimada Culimada: Culimada Soomaaliyeed ayaa geedaha ku kala jiray waqti fog, mas’alooyin khilaafi ah ayaa dhaliyay in qaar is-xukmiyaan.

     

    Afartii maalmood ee shirka uu socday, culimada waxay isla qaateen in loo midoobo badbaadinta diinta iyo dalka oo aan dib loo eegin waxyaabihii hore.

     

    In xoogga culimada la mideeyo waa faa’iido umaddeed oo waxay yareyn doonto khilaaf diimeedka iyo in magaca diinta lagu geysto dambiyo waaweyn.

     

     

     

     

     

     

     

    2. Xukunka shareecada Islaamka ee dhaqanka Al-Shabaab: Culimada waxay soo saareen go’aan mideysan oo daliil wata, kaasi oo ay ku cadeynayaan in Al-Shabaab ay yihiin koox Khawaarij ah.

     

    Dagaalka lagula jirana inuu yahay Jihaad ayaa ku jirtay bayaanka culimada xaqna ay tahay in dalka iyo diinta laga badbaadiyo kooxdaas.

     

    Culimada waxay si adag bayaankooda ugu yiraahdeen Al-Shabaab iyo Daacish waa cadowga Diinta Islaamka.

     

    Xukunkan wuxuu baajin doona kuwa laga yaabo in xiligaan kooxdu Diin ahaan uga iibin rabtay mashruuceeda.

     

     

     

     

     

    Hadda majiro qof diin ahaan ugu dhiiran kara inuu ku biiro koox intaas oo culimo ah ay xukun diini ah kasoo saartay dhaqankooda khilaafsan shareecada Islaamka.

     

    3. Shidaalka kacdoonka shacabka: Mar haddii ay culimadii yiraahdeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa Jihaad ee ha laga wada qeyb-galo, waxay u badan tahay in la heli doono jihaad doon badan oo iska qoraya ciidanka dowladda iyo macawiisleyda.

     

    Culimaddu waxay sheegen in dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish inuu yahay mid lagu difaacayo maqaasida waaweyn ee shareecada Islaamka.

     

    Culimadda ayaa sidoo kale sheegay in aanay iyaguna guryaha iska fadhin doonin balse ay ka qeyb-gali doonaan dagaalkan oo Jihaad ku tilmaameen

     

     

     

     

     

    Firaaqii dowladda iyo culimada oo dhamaaday: Soo-bixintaankii Al-Shabaab iyo inay afkaartooda shaqeyso waxaa ugu wacna cilaaqaad la’aanta culimada iyo dowladda.

     

    Iskaashi la’aantaas ayay kooxda ka faa’iideysatay laakiin shirkan waxa uu soo afjaray firaaqii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed, waxayna taasi ka dhigan tahay in wixii hadda ka dambeeyay aan afkaarta Al-Shabaab lagu dhex iibin karin dalka.

     

    Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isku raacday in la dhiso golaha sare ee culimada oo saldhig u noqon doono go’aamada dhaqan dowladeedka iyo midka bulshada, ayada oo dowladda Soomaaliya loo xil-saaray inay billowdo dhismaha golaha sare ee culimada.

     

     

     

     

    Kooxda xukunkaan laga soo saaray ee Al-Shabaab ayaa muddo shan iyo toban sanno ku dhow waxay dadka Soomaaliyeed u qeybisay in ay dishay iyo in ay gaaleysiisay.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleShirweyne go’aan looga gaarayo arrinta SSC oo ka furmay Laascaanood + Sawirro
    Next Article DEG DEG Raisul Wasaaraha Somalia oo xil muhiim ah u magacaabay Xamza Adan Xaadow

    Related Posts

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay Afar su’aal oo Aljazeera weydiisay

    March 7, 2023

    Waraysi Madaxweyne Xasan Sheekh uu caawa siiyay Telafeeshinka Aljazeera qeybta Carabiga ayuu uga hadlay arrimo…

    Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay degaano katirsan Gobolka Mudug

    February 24, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.