Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»Xamza oo miisaankiisa muujiyay iyo Deni iyo Xasan Sheekh oo sii kala fogaaday
    Dibadda

    Xamza oo miisaankiisa muujiyay iyo Deni iyo Xasan Sheekh oo sii kala fogaaday

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 27, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maalmo badan ayuu taagna loolanka xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya, waa mid kamid ah waxyaabaha uu Saciid Cabdullaahi Deni ka rabay madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud balse uu ka heli waayay kadibna keentay inuu xiriirka dowladda dhexe hoos iskaga dhigo.

    Sida uu Saciid Deni wax u rabay waxaa lagu tilmaamay qaab lagu inkirayay awood qeybsiga Ra’iisul Wasaare Xamza.

    Soomaaliya siyaasad ahaan waxay weli wax ku qeybsataa nidaamka 4.5, markii halkaas la taagan yahay Xamza ayaa saami qeybsiga Soomaaliya masuul kaga ah Deni. Laakiin sida uu Saciid Deni rabay in wax walba isaga iyo Xasan Sheekh uga heshiiyaan ayaa dad badan u muujisay in awooda Ra’iisul Wasaaraha la dafirayo.

    Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu shalay muujiyay in isagu xisaab beeleedkiisa masuul ka yahay, cidda xisaabtaas wax ku raadineysana ay qasab tahay inay isaga la-macaamisho.

    Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay in Jeneraal Sulub Axmed loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliya. Ninkan waa reer Jubbaland, wuxuu hadda ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista hawada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

    Jeneraal Sulub marka aad magaciisa maqasho waxaa kugu soo dhacaya Axmed Madoobe, Xamza iyo inta badan siyaasiyiinta reer Jubbaland oo uu gogal u ahaa marka ay Muqdisho tagaan.

    Sulub ayaa kamid ah saraakiisha aad loo xurmeeyo ee ciidanka Booliska Soomaaliya. Waa saaxiibka gaarka ah ee ra’iisul wasaaraha.

    Magacaabistiisu waxay muujisay awooda Ra’iisul Wasaare Xamza ee hab qeybsiga xilalka muhiimka ah.

    Sarkaalkan dhex-dhexaadka ah ayaa beddalaya Cabdi Xasan Xijaar oo lagu eedeeyo inuu si aan habooneyn u maareeyay xaalka caasimada Muqdisho, xiligii lagu jiray doorashadii guud.

    Xijaar iyo ciidankii uu xukumayay ayaa dhowr jeer oo kala duwan lagu eedeeyay inay isku dayeen dib u dhigis doorasho iyo weerar loo geystay dibad-baxayaal dalbanayay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

    Sidaas oo ay tahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xijaar siiyay illaa siddeed billood oo dheeri ah, dadku waxay sugayaan inuu Xasan Sheekh degdeg u eryi doono Xijaar, laakiin taasi ma dhicin oo illaa 26 Janaayo 2023 ayuu soo gaaray taliskiisu.

    Maanta Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya iyo Taliyihii Booliska Soomaaliya-ba waa reer Jubbaland, waxay u muuqata inuu madaxweyne Xasan Sheekh doortay shirko cusub.

    Reer Jubbaland xilalkan waaweyn mar waa u magac marna xujo ayay ku tahay oo waxaa la eegaya sida ay ubadallaan dhaqan siyaasadeedkii hore iyo guul-darooyinkii dowladeed ee Soomaaliya.

    Magacaabistan waxay dadka qaar soo xasuusineysa Puntland, tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saddex xil oo reer Puntland si weyn ugu dagaalameen laba kamid ah waxaa qaatay reer Jubbaland waana Ra’iisul Wasaare-nimada iyo Taliyaha Booliska.

    Booska dhiman waa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo isagana aan la ogeyn halka uu aadi doono.

    Magacaabista taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa dadka qaarkiis qabaan inay sii fogeyn karto diidmada Puntland ee la shaqeynta nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

    Laakiin Ra’iisul Wasaare Xamza, Taliye Sulub iyo xubnaha uu doortay madaxweyne Xasan Sheekh inay saami-qeybsigaas metelaan waxaa hortaalla inay si fiican u iibiyaan, udifaacan, una hirgeliyaan siyaasadda madaxweynaha.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMadaxweyne Xasab Sheekh oo la kulmay Waalidiin Carruurtooda Eritrea loo qaaday (Sawirro)
    Next Article Maxay yihiin Ciidammada horay u dilay Usaama Bin Laadin ee hadda howlgalka ka fuliyay Soomaaliya?

    Related Posts

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    DEG DEG Dagaal xoogan oo dib uga qarxay magaalada

    March 6, 2023

    Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in saakay mar kale…

    Al Shabaab oo shaacisay in ay dileen Horjooge katirsanaa Ciyaalka Weerada

    February 26, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.