Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Xasan Sheekh oo tallaabo geesinimo leh qaaday xilli ay akoonada DF faaruq yihiin
    Gudaha

    Xasan Sheekh oo tallaabo geesinimo leh qaaday xilli ay akoonada DF faaruq yihiin

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 26, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Inuu madaxweyne hore kusoo laabto xukunka Soomaaliya waxay ahayd wax aan loo fadhin ama saadaal khilaafaysa diiwaankii soo jireenka ahaa.

    Laakiin maadama ay ugu dambeyn taas dhacday waxaa haddana timid dood ah muxuu madaxweynaha kusoo laabtay xafiiska ka dhigan doona bartilmaameedka koowaad.

    Jawaabta weydiintaas waqti badan ma qaadan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu far-waaweyn ku qoray bartilmaameedkiisa koowaad oo ah “waa in la tirtiro Al-Shabaab”.

    Kooxdan waa caqabada u weyn ee hortaagan Soomaaliya nabad ah, isku filan, caalamka uu maal-gashan karo oo dadkeenu dunida wax la qaybsan karaan.

    Markii uu madaxweyne Xasan Sheekh hadafkiisa koowaad ka dhigtay dagaalka Al-Shabaab, waxaa durba dadka arrimaha dowladda Soomaaliya la socda isweydiiyeen maadama dhaqaale jirin sidee dagaalka loo wadi karaa?.

    Dadka qaarkii waxay filayeen in Xasan Sheekh iyo dowladiisa marka hore dhaqaale raadis gali doonaan kadibna dagaal qaadi doonaan, laakiin Xasan fooda ayuu daray Al-Shabaab ayada oo akoonada faaruq yihiin, dowladduna ayna awoodin wax mushaar ka badan.

    Waxay dadka qaarkii u arkayeen qaris ka-tuurnimo ama in saadka uu dhex ku dhamaan doono, laakiin 70% Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud ayuu Xasan Sheekh ka eryay Al-Shabaab isaga oo aan caalamka ka helin wax dhaqaale ah.

    Xooga hub ah, farsamo iyo diyaaradaha wax duqeeya ayay saaxiibada caalamiga ah qaarkood ku kaalmeeyeen dagaalka socda.

    Dalal badan oo kab iyo kaalmo maaliyadeed siin jiray Soomaaliya ayaa lacagahoodii la noqday kadib markii Soomaaliya ay gashay hubanti la’aan doorasho 2021-kii iyo horaantii 2022-ka.

    Illaa haddana dalalka iyo hay’addaha caalamiga ah badankooda dib uma soo fasaxin dhaqaalahaas, illaa July 2023 ayay macquul tahay ayaa la leeyahay inuu garabka maaliyadeed ee dowladdu sidii hore kusoo laabto.

    Sidoo kale dhamaadka 2023 Soomaaliya waxay sugaysa in deynta laga cafiyo, taas oo iyaduna wax ka badali doonta heerka dhaqaalaha ee dowladda iyo guud ahaan dalka.

    Lacago la sheegay inay kasoo xaroodaan qaadka ka yimaada waddanka Kenya ayaa naloo xaqiijiyay in si joogta ah loogu adeegsado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, oo uu madaxweynaha amray in xagga dagaalka loo leexiyo.

    Haddaba in Xasan Sheekh uu dagaal aado iyada oo akoonada dowladda faaruq yihiin maxay ka dhigan tahay?.

    Dadka arrintaan lafa-guraya waxay ku tilmaamayaan garashada bartilmaameedka iyo go’aan geesinimo leh.

    Haddii aad ogtahay in Al-Shabaab yihiin cidda hortaagan nabadda iyo dhaqaalaha dalkaaga oo walibana ay iyagu dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin baadda ay gudaha ka aruursadaan majirto sabab aad u dhowrato kaalmo ajnabi ayay ku hadal qabsadeen dadka gorfeynaya go’aanka Xasan Sheekh ee ah in aan dhaqaale la’aan loo fariisan.

    Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale toos u weeraray dhaqaalihii kooxda Al-Shabaab, waxayna ahayd aragti kale oo xoojisay jabka kooxda.

    Dad badan oo xogagaal u ah xaalka hoose ee dowladda Soomaaliya waxay hadda ku qanceen in dagaalka Shabaab uu ubaahna kaliya madaxweyne ay daacad ka tahay in dhibaatada kooxdan laga dulqaado shacabka Soomaaliyeed oo rumeysan in aanay jirin waddo kale oo umadda iyo dowladooda u furan.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleElle Edwards: man, 20, arrested on suspicion of murder over Christmas Eve shooting
    Next Article (Sawirro) Xassan Shiikh oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb galayasha shirweynihii Culimada

    Related Posts

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Gabar Soomaaliyeed iyo Jilaa qaba oo oo taagero u raadinaya dalal ay Soomaaliya ku

    January 18, 2023

    Jilaaga Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre ayaa Isniintii ugu baaqay ganacsatada iyo hoggaamiyayaasha siyaasada…

    Madaxweynaha Dowladda Mudane cali guudlawe xusen Hir-Shabeelle oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas

    January 4, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.