Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Maalinta koowaad oo Hawada Somalia ay ku shaqeynayso darajadda A (Class A)
    Wararka

    Maalinta koowaad oo Hawada Somalia ay ku shaqeynayso darajadda A (Class A)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 26, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho,January, 26, 2023 – Hawada Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday heerka darajada A (Class A) oo lagu qiimeeyo darajada ugu sarreysa ee badqabka iyo Maamulka Amniga ee hawada,iyadoo markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sanno maalintii koowaad maamulka Hawada uu ku shaqeyno heerka A .Khamiista maanta 26 Jannaayo,2023.

    Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta soo booqatay xarunta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,halkaa oo ay si rasmi ah uga shaacisay in hannaanka maamulka amniga iyo hawada Soomaaliyeed uu u wareegay heerka u sarreeya ee darajada A (Class A), tallaabada oo ay ku sheegtay mid taariikhi ah,kaddib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

    “Waxaan ku faraxsanahay inan maanta 26 bisha Jannaayo ,2023 la wadaago qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed, warka wanaagsan ee ah in si rasmi ah maamulka Hawada dalkeenna ugu wareegay darajo midda u sarreeya oo ah A (Class A) – waa halgan iyo dadaal soo bilowday tan iyo markii maamulka Hawada aan dib usoo ceshanay bishii June ,2018.” ayay tiri Wasiir Fardowsa oo intaa ku dartay ” Tallaabadan waxay wax ka tari doontaa kobaca dhaqaalaha ee dalkeenna,maniga iyo badqabka Hawada.”

    Wasiirka ayaa hambalyo iyo boggaadin u dirtay hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee dadaalka geliyaya gaarista heerkan, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee Duulista Hawada oo ay ugu horreeyaan ICAO, IATA, ururka hagidda diyaaradaha adduunka, ururka duuliyaasha adduunka iyo waddamada dariska ah taageerrada iyo iskaashigooda wada shaqeyn halkan lagu soo gaaray.

    Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa soo dhaweeyay in hawada Soomaaliya iyo nawaaxigeeda dib loogu soo celiyo heerka A (Class A).

    “Dib-u-soo celinta hawada Class A’ waxay si weyn u wanaajin doontaa amniga gobolka waxayna sare u qaadi doontaa hufnaanta. Tani waxa ay mahad naq u tahay dadaalka wada shaqayneed ee ay sameeyeen Soomaaliya, SCAA, IATA, ICAO, FIRs iyo shirkadaha dayuuradaha” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka IATA ee Bariga Dhexe iyo Afrika, Kamil Al-Awadhi.

    Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan sheegay in bishii Aktoobar ee sannadkii hore 2022, si rasmi ah loo dhammeystiray dhammaan shuruudihii lagu gaaray darajada A, kaddib muddo ka badan soddon sanno oo hawada sare lagu maamullayay darajada u hooseysa ee G. Wuxuu intaa ku daray in dadaal badan la geliyay gaarista heerkan, markaa oo u sheegay in la dhammaystiray shuruudaha loo baahna oo ay ugu horreyso tababarka iyo kor u qaadista tayada Shaqaalaha, shuruucda Duulista Hawada, horumarinta qalabka xiriirka iyo isgaarsiinta, oo uu tilmaamay in xarunta dhexe ee Muqdisho, Baydhabo iyo Boosaaso lagu xiray qalabka ugu casrisan ee hannaanka xiriirka duulimaadyada.

    ” In ku dhow 300 oo diyaaradood ayaa 24 saac ee kasta xilligan mara hawada dalkeenna, balse inan u wareegnay heerka A, waxay ka dhigeysaa tiro ka badan 600 oo diyaaradood 3-da bil ee ugu soo horreysa inay adeegsadaan hawada 24-tii saac ee kasta, waa mid kor u qaadi doonta dhaqaalaha oo isbeddel dhaqaale garsiinaysa dalka.” ayuu ku daray Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

    –Dhammaad–

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleXog cusub oo kasoo korortay Weerarkii Xarunta G/Banaadir iyo qofka la doonayay in lagu dilo
    Next Article Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo labo arrimood uga Mahadceliyay Sacuudiga (Sawirro)

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse oo Somaliland ka dalbaday inay Ciidamada ka qaado Laas-Caanood

    February 17, 2023

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse oo Somaliland ka dalbaday inay Ciidamada ka qaado Laas-Caanood …

    Talyaaniga oo Soomaaliya kala hadlay Laba arrin oo hadda taagan

    February 9, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.