Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & guriyeynta XFS Mudane Maxamed Cali Maxamuud ayaa soogaba-gabeeyay shir lagu ansixinayey Daraasadda, Naqshadda, Qandaraas iyo Qiimaynta dhismaha Waddooyinka isku xira gobolada dalka gaar ahaan inta u dhaxaysa Magaalooyinka Dhuusamareeb – Qaradhi, Beledwayne – Kalabayr iyo Gaalkacayo ilaa Jalam.

Shirka oo soconayey muddo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qaby galayey Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle & Wasiir kuxigeenka Hawlaha Guud ee Koonfur galbeed, Dhammaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta ee Dawlad Goboleedyada, Injineerada Wasaaradda iyo Madaxda Shirkadaha sameeyey Qiimaynta iyo Naqshadaynta Waddooyinkaas ee AIC & Descon.

Agaasimaha Warbaahinta & Xiriirka bulshada (Communication & Media) Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Abdirisak Abdikadir Mohamed ayaa sheegay in shikan uu ahaa mid muhiim ah waxa uuna ku ammaanay masuuliyiinta shirka ka qayb galaysay dhabar adaygooda & sida ay uga qaby qaateen ansixinayey Daraasadda, Naqshadda, Qandaraas iyo Qiimaynta dhismaha Waddooyinka isku xira gobolada dalka gaar ahaan inta u dhaxaysa Magaalooyinka Dhuusamareeb – Qaradhi, Beledwayne – Kalabayr iyo Gaalkacayo ilaa Jalam.

Masuulyiin ka socotay shirkadaha AIC & Descon oo sameeyey Daraasadda, Naqshadda, Qandaraas bixinta iyo Qiimaynta Waddooyinkan ayaa soojeediyey warbixino la xiriira shaqadii ay sooqabteen.

Ugu dambayntii markii uu shirku soodhamaaday ayaa Agaasimaha Warbaahinta & Xiriirka bulshada (Communication & Media) Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Abdirisak Abdikadir Mohamed warbaahinta la hadlay waxa uuna u mahadceliyey
Madaxda shirkadaha AIC & Descon oo sameeyey Daraasadda, Wasaaradda Hawlaha Guud DFS, Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada dalka & Injineeradii kasoo qayb galay shirka.

Iyadoona la isku raacay oo ansixiyey Daraasadda, Naqshadda iyo Qiimaynta lagu sameeyey dhismaha Waddooyinka u dhaxaysa Magaalooyinka Dhuusamareeb – Qaradhi, Beledwayne – Kalabayr iyo Gaalkacayo ilaa Jalam waxaana loo gudbi doonaa wajiga xiga ee bixinta Qandaraaska dhismaha.