Itoobiya maxay kar-karineysaa? kadib duullaankii al-Shabaab.

163

Dhamaadkii bishii hore ee Luulyo boqolaal ka tirsan malayshiyaadka al-Shabaab ayaa isku dayey in ay gudaha u galaan Itoobiya iyada oo ujeedkoodu ahaa in ay gaaraan buuraha Baali halkaasna saldhigyo ka samaystaan, sida ay ku doodeen saraakiisha Itoobiya.

 

Waxaa xigey dagaallo culus oo xuduudka ka dhacay oo al-Shabaab ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee hawlgalka ATMIS iyo kuwo kaleba.

 

Dagaalka al-Shabaab iyo isku daygooda in ay galaan gudaha Itoobiya ma ahan wax iska yimid ama isaga dhashey in ay iska guuraan, waxaa la dhihi karaa waa qroshe muddo laga shaqeynaayey.

 

Waxaa arrimahaani ku soo beegmayaa, iyada oo Itoobiya ay gashey xili roobaadkii oo ay markii labaad isku dayeyso in ay buuxiso biyo xireenka muranku ka taagan yahay ee webiga Niil, ee ay doonayaan in ay koronto ka dhaliyaan. Biyo xireenka dhismihiisa waxaa si weyn uga soo horjeeda Masar oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay biyaha webiga Niilka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan weli booqan Itoobiya isaga oo galay ilaa 7 safar, kadib booqashadiisi Jabuuti Itoobiya ayaa dib u dhigtey casumaadii uu halkaas ku tegi lahaa. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markaas

 

 

 

 

safarkiisi u weeciyey dalka Masar, halkaas oo isaga ayo Al-Sisi isla garteen in biyaha webiga Niil hal dal oo keliya go’aan ka gaari karin ayna khatar ku tahay amniga gobolka.

 

Haddaba, Itoobiya oo farogelin ba’an ku hayn jirtey siyaasadda Soomaaliya isla markaana ku dhaqmi jirtey nidaamka kala-qaybinta iyo in ay xiriir kala duwan la leedahay Dowlad goboleedyada iyo Somaliland ayaa bilowdey in ay xiriiro toos ah la samayso Dowlad goboleedyada iyo maamulka Somaliland, waxaana ay u kala dirtey wufuud u badan saraakiil ciidan.

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa diyaarad milteriga Itoobiya ka qaadey Baydhabo waxaana uu maanta oo jimce ah gaarey Itoobiya halkaas oo u wadahadal kula lee yahay saraakiil. Safarka Laftagareen waxaa ka horeeyey booqasho ay ugu yimaadeen saraakiil sarsare.

 

Saraakiil kale oo ka socotey Itoobiya ayaa gaarey gobolada Gedo iyo Hiiraan todobaadkan, iyo weliba Hargeysa, waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda wefdi sare oo ka socda Itoobiya ay yimaadaan Garoowe.

 

 

 

 

 

 

Itoobiya ayaa Beledweyne iyo Hargeysa u dirtey sarkaalka u sareeya ciidamadeeda Jen. Berhanu Kebede iyo madaxa sirdoonka Itoobiya, taasoo calaaamad u ah isbeddelka socda.

 

Haddaba, isbeddelka degdeg ah ee ku yimid gobolka, iyada oo Xasan Sheekh u buuxsamin 100 maalmood, xukumaddiina weli helin kasloonida baarlamaanka ayaa la aaminsan yahay in Itoobiya ay wax kar-karineyso, taas oo kuwajahan gobolka oo dhan.

 

Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriir fiican la lahaa nidaamkii Tigreega ee Itoobiya xiligii uu Madaxweynaha ahaa 2012-2016 , xiligaas waxaa sirdoonka Itoobiya ka shaqeyn jirey Abiy Ahmed hoggaamiyaha Itoobiya, oo xiriir dhaw la lahaa madaxweynihii tartanka looga adkaadey Farmaajo.

 

Ma qaadan doonto muddo dheer marka ay soo bixi doonto waxa Itoobiya ay karkarineyso iyo isbeddalka ku ymid siyaasadeedi, haddaba waxaa la is weydiin Xasan Sheekh Maxamuud halkan ma uga shaqeyn doontaa Soomaali dunidana heshiis la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here