Madaxweynahii Koowaad ee Hir-shabeelle Dr.Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa u Jawabay Nabadoon Geed-seexdo oo ka mid ah Nabadoonada Xawaadle tusaaleyn Badan siyay (Wax badan ka ogoow)

634

 

Inkastoo lalaga dheehan karo qoralka Wareysi uu Xalay siyay Nabadoon Geed-seexdo oo ka mid ahaay Nabadoonada Belaha Xawaadle hase ahaate qoraal ayaa ah Tusaale iyo wacayi galin.

Madaxweynahii Koowaad ee Hir-shabeelle Dr.Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Barta Facebook ku leyahay ayow ku qoray qoraal hoose Aqri

Xawaadle ayaa hadda ka hor la garramay M S Barre, eedaha ay tirsadeen waxaa ka mid ahaa ineysan xaq aheyn in Xawaadle lagu hayo hal wasiir, hal maareeye iyo hal janan.

M S Barre wuxuu u sheegay odayaashii inuusan weligii arag Xawaadle jagooyin kale raadinaya, wuxuu yiri Markaan arko Xawaadle waxa keliya ee ay i weydiisan jireen waxey aheyd inaan xilka ka qaado Cabdullahi Cosoble Siyaad (aabahey, AUN) oo ahaa wasiir laguna beddelo qof kale. Wuxuu intaa ku daray ‘anaa Cosoble ka dhigtay wasiir oo ku kalsoon.

Intaa kaddib wuxuu ku yiri ‘Markaan arko konton jir Xawaadle ah oo ay daba socdaan naago iyo ilmo oo gurbaan garaacaya oo ku heesaya ‘Guulwade Siyaad’, iiga soo doona waxa aad mudan tihiin, wasiirkana anaa la imid ee dowladda wey fara badan tahay ee jagooyin kale iga soo raadiya.

Xawaadle, mucaarad lala istaago jidkii dheera ee dhex maraayay magaalada B/weyne Wallahi inuusan Xawaadle meel ku gaareyn. Odey tubaako cuna oo buush shaah ka cabaa haddaad ka talo qaadataanna Wallahi dib uun baad u sii soconeysaan.

Xawaadle la heshiiya madaxdiina, taageera, xod-xotta, ad-adeyg meel ku gaari weyseene dabacsanaan ka war doona, taageera wasiirkiina, ogaada wasaaradda Soomaali ayaa iska leh ee adinka wasiirka ayaad leedihiin, sidoo kalana afkiina bara amaanta. Madaxweyne lama caayo ee waa la amaanaa.

Xawaadle haddaad dooneysaan in la idin jeclaado, adinka muujiya Jaceyl.

Jaahil aan waxba galinna yuusan idiin qudbeynin.

Warkeyga dhibsada oo ku socda waddo qarda jeex ah oo aan meel gaareyn, ama ku waano qaata oo arka sida meel walba la idiinka soo dhaweeyo.

Qore Dr.Cali Cabdullaahi Cosoble 

 

Xawaadle oo gallay booskii Beelaha Shanaad.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Radiohalgan.com   Radio Halgan waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Mahadsanid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here