Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

201

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaarey Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.

waxaa soo dhaweyn u sameeyay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug sida wasiirka wasaradda yaxye xiish, wasiir kuxigeenka Wasaradda Maxamed nuur diini, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganeey iyo maayerka Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow.

Safarkan wasiirka shaqada iyo arrimaha XFS uu kuyimdi Dhuusamareeb ayaa la xiriira u kuur-galida mashruuca baxnaano ee taakuleynta dadka abaartu saameysay iyo ogaanshaha heerka nolosha ee barakacayaasha ku sugan Gobolka.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato saacdaha soosocda, sii uga dhageeysto inta ay gaarsiisantahay abaarta ka jirta degaaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here