Xasan Sheekh: Caalamka oo dhan ayaa la yaabay markii ay arkeen Erdogan oo…

295

FAA’IIDADA ISKAASHIGA SOOMAALIYA IYO TURKIGA: KHUDBADDA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD KA JEEDIYEY XARUNTA SIYAASADDA, DHAQAALAHA IYO CILMI-BAARISTA ARRIMAHA BULSHADA EE SETA.

 

 

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Waxaa sharaf weyn ii ah fursadda aan u helay in aan khudbad la xiriirta khibradda iyo faa’iidooyinka Soomaaliya iyo iskaashiga Turkiga ka jeediyo mu’asasadda Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Cilmi-Baarista Bulshada ee SETA. Mawduucan waa mid ahmiyad weyn u leh dowladdeyda, iyo aniga shaqsi ahaan, maxaa yeelay, ka Soomaali muwaadin ahaan, bare hore oo u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo ka madaxweyne hore ahaan iyo midka maanta, waxaan goobjoog u noqday faa’iidooyinka aan maanta ka hadli doono.

 

Faa’iidooyinka mugga iyo miisanka leh ee laga dhaxlay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid siyaasad iyo diblomaasiysad ahaanba xoggan, dhinaca taageerada amnigana leh istaraatijiyad iyo wada-shaqeyn ka dhan ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada caalamiga ah, horumarinta dhaqanka iyo xiriirka ka dhexeeya labada shacab xilli u korayo xiriirka dhaqaale iyo ganacsi, taas oo laga arki karo maalgashiga muudqa ee labada dal.

 

Aragtida dowladdeyda ku hageysa arrintan, muddo xilleedkeyga labaad ee madaxweynenimo, waa Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis La ah. Maxay tani ka dhigan tahay? Hadaan si fudud u qeexo, waxaan dooneynaa in aan diiradda saarno dib-u dhiska haykalka dowladnimada Soomaaliya ee aas-aasiga ah, iyo nidaam loo dhan yahay, daahfuran, faa’iidada ugu macquulsan, uguna waxtarka fiican dalkeena, taas oo suuragalineysa dal mideysan, xasilloon iyo gaaridda horumar waara. Dadka Soomaaliyeed ayaa tiir-dhexaad u noqon doona hirgelinta aragtidan, waana la soconnaa inay Soomaalidu leedaahay qaadidda culeyska mas’uuliyadeed ee mustaqbalkooda. Hase yeeshee, Soomaaliya waa dal nugul, maadaama aan si tartiib-tartiib ah uga soo kabaneyno xanuunka iyo collaadaha raagay Waa bilowday geeddiga dib-u heshiisiinta, balse waa hayaan ee ma aha baratan orod. Is-cafinta, wada noolaanshaha bulshada iyo is aaminaadda bulshada ee hay’adaha qaranka, waxa ay qaadan doontaa waqti laakiin, waxaan aaminsanahay in horumar lagaga gaari doono istaraatijiyado ay bulshadu udub-dhexaad u yihiin, hoggaamin iyo dowladnimo furan, taasi waxaa ka mid ah dhageysiga cododka muwaadiniinteenna, haddii ay ahaan lahayd mid ay soo mariyaan bulshadooda ama kuwa ku metela baarlamaanka iyo fulinta ballan qaadyadii aaan sameynay.

 

Iskaashiyada caalamiga ah ee laba geesoodka ah iyo kuwa wadar geesoodka ah oo mira dhala, waxa ay fure u yihiin taabbagalinta aragtida Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis La ah. Dunidan isku xiran ee qarnigan, is bedellada baahsanna ku socdo, kana jiraan caqabadaha iyo fursadaha mideysan, dowladdeydu muhiim ayey u yihiin sida dhammaan dowladaha kale ee caalamka, in la dhiso, la barbaariyo, lana xoojiyo xiriirka saaxiibadeenna qiimaha leh ee taageera horumarka iyo baraareheenna. Hadaan Soomaali nahay, waxaan dhahnaa, “Hal Far kelliya, fool ma dhaqdo,” sidaas daraadeed, waxaan u baahaannahay in dhammaan fareheenna aan gaarsiinno wajiga, gacmeheenana aan isugu geyno sidii aan uga gudbi lahayn caqabadaha aan wajaheyno, ugana faa’iideysanno fursdaha na horyaal ka bulsho iyo qaramo ahaanba.

 

Mudaneyaal iyo Marwooyin

 

Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay ku naaloodeen xiriir taariikhi ah, kaas oo ku qotoma ia-ixtiraam iyo iskaashi tan iyo markii ay Soomaaliya heshay gobonimadeeda 1960kii. Hase ahaatee, xiriirkan waxa uu sii laba kac-leeyey markii uu booqasho taariikhi ah Soomaaliya ku yimi Agoosto 2011, Mudane Recep Tayyip Erdogan oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare, markaas oo ay Soomaaliya ku jirtay xaalad bani’aadannimo oo ba’an.

Tallaabadaas darteed, wey caddahay sababta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga u xooggan yahay maanta, waxaa sabab u ah, jiritaanka ka go’naansho dadkeeda iyo hoggaankeeda, kaas oo lagu adkeynayo xiriirkaas. Dhammaan kulamadii aan la yeeshay madaxweyne Erdogan, xubnaha dowladda Turkiga, bulshada rayidka ah iyo ganacsatada, Soomaaliya waxaa loo arkaa meel ka guda ballaaran fursad kaliya. Waa meel ay dowladda Turkiga iyo dadkeeda dareensan yihiin in ay dadka Soomaaliya kala kaashan karaan bedelidda xaaladda adag, taas oo nolosha dadka Soomaaliyeed bedeli karta, una abuuri karta fursado si wadajir ah looga faa’iideysto, haddii ay ahaan lahayd iskaashiga siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

 

AMNIGA

 

Amniga waa ahmiyadda kowaad ee dowladdeyda, maxaa yeelay la’antiis ma jiraan wax suurtagalaya. Soomaaliya waxa ugu weyn ee aan la dagaalameyno waa argagixiso caalami ah oo ku sugan ciideenna maadama Al-Shabaab tahay uruur xiriir la leh Al-Qaacida, taas oo leh himilo caalami ah, kana fulisay weerarro dalalka dariska ah. Al-Shabaab ma aha urur Islaami ah: Waa koox xagjir ah, si qaldanna u isticmaala diinta Islaamka, si ay ugu raad kataan ficilladooda gurracan, qiilna ugu helaan dhibaateynta iyo waxyeelada dad aan dambi lahayn.

Hase ahaatee, ficillada kooxahan waxa ay saameyn taban ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee caalamka, waxaa qasab ah in aan laba jibbaarno dadaalladeena si aan u soo afjarno argagixisada. Siyaasadihii muddada dheeraa ee xakameynta iyo yareynta awoodda ay leeyihiin kooxaha argagixisada ah waxa ay noqdeen kuwo muddo kooban ah, guulna lagama gaarin. Hadda, ka dowlad ahaan, waxaa naga go’an in aan adeegsanno qaabab kale si aan u wajahno Al-Shabaab, kuwa diyaarka u ah in ay wada-xaajood galaan, kana tanaasuulaan aragtidooda dagaalka ah, si nabad ahna ugu soo laabtaan bulshadooda, waxaa la siin doonaa fursad, kuwa xagjirka ah ee doonaya in ay sii wadaan ficilladooda gurracan waxaa loo burburin doonaa militari ahaan. Waxaan diyaar u nahay in aan ka difaacno diinteena Iyo dadkeena Islaamka ah, kuwa sida qaldan u afduubay ee argagixisada ah, kuwaas oo shidaal hor leh ku shubaya aragtida Islaannimo-Nacaybka ah ee aduunka ku sii kordhaya.

 

Iskaashiga Turkiga ee dhinaca amniga waxa uu runtii faa’iido weyn u ahaa taageerada dadaallada dowladda Soomaaliya uga adkaaneyso Al-Shabaab si xasillooni loogu soo dabbaalo dalka. Tababbarada Booliska Soomaaliyeed, Saraakisha iyo Ciidamada ee gudaha dalka iyo Turkiga, iyo xarunta tababbarrada ee TURKSOM ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, waa cajiib. Soo saaridda ciidamo, horumarinta xirfadaha ciidamada hadda jira waxa ay muhiim u yihiin amniga qaranka Soomaaliya xilli aan dooneyno in aan mas’uuliyadda amniga kala wareegno Hawlgalka Kumeel Gaarka ah ee Midowga Africa 2024-ta. Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay sidoo kale ku naaloodaan xiriir xooggan oo la xiriira dhinaca aqoonta iyo wadaagga xogta ku saabsan dhaq dhaqaaqada argagixisada iyo, waliba hore -u-socodka, arrimahani waa kuwo ay naga go’an tahay in aan sii xoojinno.

 

Mudaneyaal iyo Marwooyin

 

Soomaaliya waxa ay ku guda jirtaa is bedello guuleystay oo dhinaca dhaqaalaha ah iyada oo kaashanaysa Sanduuqa Lacagta ee Aduunka (IMF) taas oo aan rajeyneyno in ay xoojin doonto nidaamkeenna lacageed iyo dhaqaalaha aas aasiga ah iyo in ay Soomaaliya ku guuleysato dhammeystirka Deyn-Cafiska iyada oo la raacayo xeerka ay maraan dowladaha saboolka ah ee sida weyn u qaameysan (The Highly Indebted Poor Countries Initiative), taas oo aan gaari doonno dhawrka sano ee soo socda. Barnaamijka is bedellada waa mid baaxad leh, waxaa ka mid ah sare u qaadidda dakhliga gudaha ka soo xerooda, horumarinta Hay’adaha Dowladda ee Maamulka Maaliyadda iyo xoojinta Dowlad Wanaagga. Soomaaliya oo gaarta heerka Deyn-Cafiska ee ugu dambeeya waxa ay xaqiijin doontaa in dalkeenna helo ama soo qaato dhaqaale loogu dhiso mustaqbal wanaagsan dadkeenna, looguna abuuro fursado badan saaxiibadeen sida Turkiga.

 

Turkiga waxa ay hore, iyo haddaba door muhiim ah ku leedahay is bedellada dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo si joogta ah oo deeqsinimo leh uga taageerta dowladda Soomaaliya miisaaniyadda laga soo bilaabo maamulkeygii hore ee 2012 ilaa iyo hadda. Kabkaas miisaaniyadeed wuxuu muhiim u yahay taageerada dowladda Soomaaliya ee hawl-fulinta iyo ku guuleysiga hirgalinta tubta is bedellada dhaqaale ee ay jeexday hay’adda Sanduuqa Lacagta ee Aduunka (IMF). Waxaan ku rejo weynnahay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageeradan faa’iidada leh xilli Soomaaliya ay ka shaqeyneyso in ay hore u waddo dhabbihii ay ku gaari lahayd isku filnaansho dhaqaale. Taas waxaa dheer, iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha maalgashi ee Turkiga ee meelaha muhiimka ah ee dakhliga laga soo saaro sida Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha, kuwaas oo gacan ka geysta sare u qaadidda dakhliga gudaha iyada oo loo marayo maalgashigooda haddii ay ahaan lahayd dhisidda kabaabeyaasha dhaqaale, taasi waxa ay caawineysaa barnaamijyada is bedellada dhaqaale iyo in faa’iido laga sameeyo. Mustaqbalka fog, xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Turkiga horumar weyn ayuu ku tallaabsan doonaa haddii ay noo suurtagasho in aan sare u qaadno maalgashiga iyo isu socodka ganacsiga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan waaxaha tartanka ka jiro ee Soomaaliya iyo fursadaha Dhaqaalaha Badda (The Blue Economy). Haddii aan Soomaaaliya nahay, waxaan arritan u aragnaa siyaasad dhaqaale oo faa’iido leh, waana sii wadi doonnaa in aan dowladda Turkiga kala shaqeyno ajandahan, anaga oo ka eegeyna faa’iidada ay u leedahay labadeenna bulsho iyo dalba.

 

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

 

Marka laga yimaaddo iskaashiga faa’iidada leh ee dhinaca amniga iyo dhaqaalaha, Turkiga iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir bulsho oo sii koraya taas oo ay sal u tahay siyaasad ku dhisan booqashooyinka labada dal oo ay suuragalisay duullimaadka tooska ah ee ay sameyso Turksih Airlines. Tani waxa ay ku dhiirigalisay qurbajoogta Soomaaliyeed in ay fasax u yimaadaan, maalgashadaan, deegaanna ka dhigtaan Turkiga. Barnaamijka sanadlaha ah ee deeqaha waxbarasho, gudaha dalka iyo halkan Turkiga-ba, waxa uu gacan ka geysanayaa soo saaridda jiil cusub oo aqoon sare leh iyo da’yar xirfadleyaal ah kuwaas oo uga faa’iideynaya natooda, tan bulshadooda iyo labada dalba.

 

Waxaa barbar socda iskaashiga iyo taageerada waxbarasho, maalgashiga dowladda Turkiga ku sameyso bixinta adeegga dadweynaha aas aasiga ah ee gudaha Soomaaliya sida tababbarrada caafimaad iyo adeegyada uu bixiyo cisbitaalka Recep Tayyip Erdogan ee Muqdisho, waa mid saameyn weyn oo muuqata leh. Cisbitaalka waxaa ila furay madaxweyne Erdogan markii uu soo booqday Soomaaliya sanadkii 2015-kii waana cisbitaalka ugu weyn ee ugu horumarsan Soomaaliya, waxa uu door weyn ka qaatay ka jawaabiddii Soomaaliya ee cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo waliba shaqada maalinlaha ah ee lagu badbaadiyo nolosha dadka iyada oo la marayo habraacyo kale.

 

Dhinaca gargaarka bani’aadannimo, Turkiga waxa uu ahaa saaxiib ay Soomaaliya si joogta ah ugu tashato. Maanta, dowladda Turkiga waxa ay wali kaalin ka qaadaneysaa xaaladda xanuunka badan ee haatan taagan iyada oo u mareysa hay’adda Turkiga ee Wada-shaqeynta iyo Isku xirka (TIKA). Hase yeeshee, iyada oo hore loo soconayo, dowladdeyda waxaa ka go’an in ay xal waara u raadiso masiibooyinkan soo noq-noqda ee la xiriira isbedellada cimilada taas oo saameysa guud ahaan Geeska Afrika, si daranna waxyeello ugu geysata dalal sida keyga (Soomaaliya), taas oo ay sabab u tahay awood yarida aan u leenahay maalgashi lagu sameeyo kaabeyaasha looga hortago is bedellada cimilada, waxaa taas sabab u ah dhaqaaleheena yar balse kobcaya.

 

Gunaanad

 

Waxaan ku soo gunaanadayaa, khibradda Soomaaliya ee faa’iidada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid saameyn weyn oo togan leh. Turkiga waxa ay wali barbar taagan tahay Soomaaliya iyo dadkeena xilli aan ku guda jirno hayaanka aan ku baadi-goobeyno xasillooni iyo horumar. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu ku qotomaa horumarinta nolosha dadkeenna iyo ka wada-shaqeynta sidii aan heer ka sii sareeya hadda siduu yahay aan u gaarsiin laheyn xiriirkeena Iyada oo taas laga duulayo, waxaan ku kalsoonahay in xiriirka labada dal sii xoogaysan doono xilli aan si wadajir ah ugu dhaqaaqi doonno mustaqbal horseeda fursado ay gundhig u yihiin in la wada guuleysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here