DEG-DEG:- Waxaa goordhow Hargeysa ku geeriyootay Fanaanada caanka Ah

323

Alle ha u naxariisto fanaanadii Khadra Daahir Cige oo caawa Hargeysa ku geeriyooday , waxa ay ku dhalatay Hargeysa sanadkii 1959 , isla Hargeysa ayey fanka kaga biirtay sanadkii 1974 oo ay ahayd 15 jir sida ay ku sheegtay wareysiyo bixisay.

Waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta loogu jecelyey hobolada Soomaaliyeed , iyada op lagu xusuusan doono heesaha jacaylka oo ay caan ku ahayd.

Waxa ay qaaday 2250 heesood op u badnaa jacayl , kuwa iyada ku saabsan iyo qaar dad ay garanaysay ku saabsan, laakiin weligood may ogolaan in ay si qoto dheer uga hadasha qisooyinka dhabta ee heesaha ay qaaday.

Waxa ay xagga fanka hiddo raacday sida ay sheegtay qoyska reer Aw Faarax oo hooyadeed ka soo jeeday oo suugaanta caan ku ahaa ahna qoys laga yaqaan magaalada Hargeysa

Waxa ay is guursadaan fanaanka Axmed Cali Cigaal oo ay carruur ay dhashay ay nool yihiin, kuwaasoo ka kooban wiilal iyo gabdho iyo Waxa kale oo ay caruur u dhashay fanaan Abdullaahi Abdi Sabriye Shire oo ka mid ahaa musikiste ka tirsanaa kooxdii hobolada waaberi ee soomalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here