Mogadishu(RadioHalgan)Wararka aan ka heleeyno Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka ayaa tibaxaya in sacadaha soo socda in Xilka qadiis lagu sameeyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Dhanka kale xog eey heshay Radio Halgan shegeysa innuu Ali Jeyte aaday Magalada Kampala ee Dalka Uganda
Waxa jiro Qilaaf Xoogan oo u dhaxeeyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-shabelle Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Cirka isku Shareey Maalmahii Danbe.
Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle mar uu maqlay innui Ali Jeyte Osman aaday Kampala Uganda waxa ay diyaariyeen warqaddi xil ka qaadista Gudoomiye Ali Jeyte.
Waxaa lagga yaabaa inneey ku dhici waayaan baahinta warqada xil ka qaadista Ali Jeyte oo ay ka laabtaan.
Wixii warar ah oo soo kordha halkaan nagalla soco