Agaasimaha Warbaahinta & Xiriirka bulshada (Communication & Media) Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Abdirisak Abdikadir Mohamed ayaa ka warbixiyey mashruuc dhowaan ay daah-furtay Wasaaradda Hawlaha Guud Soomaaliya.

Mashruucan oo ah mid dib loogu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha geeska Afrika (Somali Horn of Africa Infrastructure Integration Project SHIIP) oo uu maal galinayo Bangiga Adduunka (World Bank).

“Mashruucan ayaa hadafkiisu yahay in lagu dhiso Waddooyinka waawayn ee kaabayaasha dhaqaalaha ee isku xiraya Soomaaliya & Wadamada deriska ah, Mashruucan ayaa waxaa ku bixi doonta wajigiisa 1aad oo ah daraasadda & dhismaha Waddooyinka ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan $58 Malyan’ ayuu yiri Abdirisak Abdikadir Mohamed Agaasimaha Warbaahinta & Xiriirka bulshada (Communication & Media).

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Hawlaha Guud & Maaliyadda, Masuuliyiin ka socotay Bangiga Adduunka, Agaasime waaxeedyo, la taliye yaal & Khubaro ka soctay qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda Federalka ayaa ka qayb galay.

Agaasimaha Warbaahinta & Xiriirka bulshada (Communication & Media) Abdirisak Abdikadir Mohamed Wasaaradda Hawlaha Guud DFS waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dowladda Federalka Soomaaliya ay ka go’antahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha & waddooyinka ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay isla markaana ay dadaal ugu jiraan dhismahooda.

Ugu dambayn Mashruucan (Somali Horn of Africa Infrastructure Integration Project SHIIP) ee dib loogu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha geeska Afrika la bilaabi horaanta sanadkan cusub ee 2023 waxa uuna wax wayn ka badali doonaa dhaqaalaha geeska Afrika & Soomaaliya.