𝗫𝗼𝗴𝗵𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗘𝗲 𝗫𝗶𝘀𝗯𝗶𝗴𝗮 𝗪𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻𝗶 𝗢𝗼 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗜𝗻 𝗫𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗿𝗶𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗟𝗮 𝗪𝗲𝗲𝗿𝗮𝗿𝗮𝘆  

139

𝗫𝗼𝗴𝗵𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗘𝗲 𝗫𝗶𝘀𝗯𝗶𝗴𝗮 𝗪𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻𝗶 𝗢𝗼 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗜𝗻 𝗫𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗿𝗶𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗟𝗮 𝗪𝗲𝗲𝗿𝗮𝗿𝗮𝘆

 

Sida Sawirrada hoose ka muuqata, waxaa xalay guriga aan Hargeysa ka deggenahay kadinkiisa lagu gubay Taayir gaadhi oo dabkiisii uu dhaawac gaadhsiiyey albaabka. Sida laga warqabana falkan mid la mid ah ayaa hore uga dhacay guriga guddoomiyaha xisbiga, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Waa arrin ugub ku ah Somaliland oo muujin karta, in uu jiro qorshe siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka madaxda xisbiyada mucaaradka.

 

Bilayska ayaan ku wargeliyey kiiskan, sidaas awgeed waxa aan fursad siinayaa baadhistooda, waxa aanan ka warsugayaa talaabada ay ka qaadi doonaan. Waxa se muhiim ah in aan xuso in xukuumadda uu waajib ka saaranyahay sugidda ammaanka muwaadin kasta oo ay ka mid yihiin madaxda xisbiyada mucaaradku, iyada ayaana looga fadhiyaa in ay jawaab ka bixiso sababta ay u dhici karaan foolxumooyin noocan ahi.” Khadar Xuseen Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here