๐ก๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐ฟ๐ด๐ฒ๐๐๐ฎ ๐๐ ๐๐ถ๐น๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐น ๐ค๐ผ๐ณ, ๐ ๐ถ๐ฑ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฒ๐ป๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐
Allaah Haw naxariistee Hal qof ayaa habeen hore lagu dilay Magaaladda Hargeysa, mid kalena waa la dhaawacay ka dib markii uu rasaas ku furay mid ka mid ah dadkan ilaaliya xaafaduhu ( Gaadhka ).
Falkan ayaa ka dhacay Xaafadda Badda Cas ee Magaaladda Hargeysa sida uu ii xaqiijiyay mid ka mid ah madax dhaqameedka marxuumka iyo ninka kale ee dhaawaca ahi.
Marxuumka iyo ninka dhaawaca ah ayaa ahaa shaqaale Muruqmaal ah oo guryahooda ku soo caraabayay, waxaana dhex maray gacan ku dhiigleha Muran sababay khasaarahan.
Ninka Dilka geystay ayaa markiiba xabsiga loo taxaabay.
Xukuumadda iyo laamaha Dawladda ayaanu midkoodna ka hadal falkan.